Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu soo dhaweeyanayay Boqor Burhaan oo lagu qabtay dalka Koofur Afrika “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu soo dhaweeyanayay Boqor Burhaan oo lagu qabtay dalka Koofur Afrika “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladballaaran oo lagu soo bandhigayay hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa lagu qabtay magaalada Johanesburg ee dalka koofur afrika.

Munaasabadda ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee dalka koofur Afrika, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaalida ee dalkaasi,  madaxda ururrada bulshada dhalinyaro haween iyo mas’uuliyiin ka socotay dowladda Koofur Afrika .

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

January 18, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

January 17, 2026

Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed Gabayo,  ka tarjumayay midnimada,  Buraanbur iyo Heeso waddani ah,  waxaana munaasabadda soo buux dhaafiyay dad weyne Soomaaliyeed oo inta badan ku labisnaa dhar lagu soo hardhay astaanta Calankeenna Soomaaliyeed.

Sii haayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Koofur Afrika Ismaaciil Soomane oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku boorriyay Soomaalida in ay dhaqankooda ilaashadaan, isagoo ka warbixyay hormarka ay dowladeenu ku talaab satay.

” maadaama aan metelayno dowladda Soomaaliya waxaa runtii aad iyo aad wax lugu farxo ah siyaasadda wasaaradda arrimaha dibadadda Soomaaliya is bedelka weyn oo ka jira,  waxaad garanaysaan sanadkaan aan ku jirno ee 2015 bishii Jenawari  waxaa ku shiray wadankeena, wasiirrada arimaha dibadda ee urur gobaleedka IGAD. sidoo kale isla bishii Jenawari waxaa booqasho ku tegay wadankeena madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, waxaa ugu danbeeyay booqashadii xoghaayaha arimaha dibadda ee Mareynkanka John Kerry uu ku tegay bishaan shan teedi magaalada dalka ee Muqdisho” ayuu yiri sii hayaha safaaradda Soomaalida ee dalkaasi Ismaaciil Soomane.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ahaa shaqsigii lagu soo dhaweeynayay  xafladda oo halkaasi ka hadlay ayaa ka mahadceliyay sida maamuuska leh ee loogu soo dhaweeyay dalka Koofur Afrika.
“runtii safarka aan ku imid South Afrika waa iiga duwan yahay safarradii aan ku marayay waddamada kale ee adduunka sida Yurub, North Amerika,  Afrika oo wadanka Zaambiya ka soo bilaabay aad iyo aad ayuu iiga duwan yahay safarkaani. runtii waxaan aad iyo aad qofkasta oo Soomaaliya dareenkiisa Meel kasta uu jooga dalka gudahiisa iyo dibadiisaba marka uu arku ama maqlo  qof Soomaaliya oo wax lagu yeelay wadankaan shucuurtiisa aad ayay isu bedeshaa, ummadda Soomaaliyeed, waxaad arkaysaa inay yihiin dad isku mid ah dad isku dhaqana dad ka damqanaaya dhibaatada gaarta qofka Soomaaliga ah, waxaa idiin dhiman wax yar oo aan isleeyahay waqti dhaw waan ka gudbi doonaa waxaana uga gudbi doonaa inaan wadankeyna hagaagsano.” ayuu yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse.
unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed

 

 

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo ballanqaad u sameeyey Isbitaalka degmada Cadaado “Sawirro”

Next Post

Ogeysiis: Wasaaradda Waxbarashadda oo qaadeeysa Imtixaanka shahaaddiga ah ee Dugsiyada sare

Next Post

Ogeysiis: Wasaaradda Waxbarashadda oo qaadeeysa Imtixaanka shahaaddiga ah ee Dugsiyada sare

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

January 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Odayaasha, Isimmada iyo Cuqaasha...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

January 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

January 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, munaasabadda caleemo-saarka...

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Munaasabad ballaaran oo si heer qaran ah loo soo agaasimay kana qayb galayaan madaxda ugu sarreysa ee dalka,ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In