Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeyb galay tartan kubadda cagta ah oo lagu xusayay 15-ka May “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka qeyb galay tartan kubadda cagta ah oo lagu xusayay 15-ka May “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan kubadda cagta ah oo lagu maamuusayay xuska 72-guuradii ka soo wareegtay aas aaska ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL 15-May sanadkii 1943-dii oo uu ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, maamulka Gobolka Banaadir iyo bahda Isboortiga ayaa shalay ka dhacday garoonka Benaadir Stadium ee degmada C/casiis, halkaasi oo ay ku kulmeen kooxaha Elman iyo LLPP Jeenyo.

Tartanka oo uu daah rufay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadkii u soo daawasho tegay cayaarta waxa ay aad ugu riyaaqeen qaab ciyaareedka ay labada koox soo bandhigeen, iyadoo cayaarta waqtigii loogu talagalay ay ku soo idlaatay bar bar dhac 0-0, waxaana gool ku laad loo dhigay labada koox ay guusha ku raacday kooxda LLPP Jeenyo oo ku adkaatay 4-2.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo goobta ka hadlay ayaa sheegay 15 bisha May ay tahay maalin mudan in ay Ummadda Soomaaliyeed  u dabaal degaan, isla markaana dhallinyarada Soomaaliyed looga baahan yahay in la yimaadan isbadal muuqda oo ay kaga qeyb qaadan karaan horumarka dalka.

“Waxaan aad ugu faraxsa nahay maanta  in Madaxweynahu yimaado Garoonka,  asagoo cayaarti xuska ama dabaal daga 15 May ka qeyb galayo, maalintaasi oo ah maalin aad u weyn aiyaartasi kusoo dhaweyneyno kuna weyneyno maalintaas, marka waxaan leenahay dhamaan hambalyao cayaarta uu Madaxwaeyanaha kasoo qeyba galay sida ay u dhacday iyo sida ay labada kooxod u cayaaren aad baan ugu faraxsanahay dhamaan dadkii kasoo qeyb galay hambalyo” ayuu yiri Wasiirka dhalinyarda iyo Isboortiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii kooxda LLPP Jeenyo guddoonsiiyay koobka lagu xusayay 15-ka May, iyadoo xiriirka kubadda cagta ay Madaxweynaha guddoonsiiyeen bilad sharaf.

1 2 3 4 5 112 113 1111 jeenyo

Xigasho Sawirada:-Goolfm.net

 

Previous Post

Shaqaalaha wasaaradda beeraha oo siminaar loo furay

Next Post

Dhageyso Khudbadda Madaxweynaha oo ku saabsan 15-ka May

Next Post
Dhageyso Khudbadda Madaxweynaha oo ku saabsan 15-ka May

Dhageyso Khudbadda Madaxweynaha oo ku saabsan 15-ka May

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In