Thursday, October 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Toddobaadka Dhaqanka ee Jaamacadda SIMAD oo maanta Muqdisho ka billowday-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 16, 2015
in Wararka
0
Toddobaadka Dhaqanka ee Jaamacadda SIMAD oo maanta Muqdisho ka billowday-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaamacadda SIMAD ayaa maanta xarunteeda weyn ee magaalada Muqdisho ku daah-furtay munaasabadda toddobaadka Dhaqanka oo ay ka qeyb galayaan boqollaal arday ah.

Munaasabadaan todobadaka dhaqanka oo ay jaamacadda SIMAD sanad kasta xiligaan ay qabato waxay ardaydu ku soo bandhigeen waxyaabo badan oo ka turjumaya waxyaabaha Soomaalidu dhaqanka u leedahay sida aqal-Soomaali laga dhex dhisay Jaamacadda, geela oo ka mid ah xoolaha Soomaalidu ay badanaa dhaqato iyo agabyo kale.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025

Marti ka socotay qeybaha bulshada, macallimiin iyo masuuliyiinta jaamacadda SIMAD ayaa ka qeyb galay munaasabaddan oo ka koobnaan doonto tartamo ciyaaraha dhaqanka ah, subac iyo Qur’aan akhris, tartan-cilmiyeedyo iyo waxyaabo kale oo socon doona muddo toddobaad ah, sida ay sheegtay Drs. Faadumo Abuubakar oo ka mid ah guddiga qabanqaabada munaasabadda.

“Asbuuca dhaqanka haduu Alle idmo waxaa ku tartami doona arday gaareysa 300 oo arday oo ka tirsan jaamacadda SIMAD kuliyadeheeda kala duwan iyo qaybaheeda kala duwan, kuna tartamaaya waxyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin, hal abuur ama gabay, geeraar, baraabur, cayaaro sports ay ka mid tahay xarig-jiid, ay ka mid tahay tartamo kala duwan, waxaa kaloo uga sii muhiimsan tartanka Qur’aanka kariimka dadka xifdisan oo iyagana la rabo Soomaalida in aan wada gaarsiino aan hormuud ugu noqonno”ayay tiri Drs Faadumo.

Ku simaha guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Eng. Maxamuud Maxamed Calasow oo ka hadlay munaaasabada ayaa waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka muhiimada asbuucani u leeyahay jaamacadda iyo ujeedka laga leeyahay ayadoo tartanku uu ka duwanaan doono kuwii hore.

“Waxaa noo furmay barnaamijkii Todobaaadka Dhaqanka qaabka uu u furmayna waa todobaadkii la soo saarayay dadka qaluubtooda waxyaabaha wanaagga ah eek u jira, aqoonyahanno fara badan aa idinku jira laakin ciddii idinka soo saari lahayd aa la rabaa, annaguna waxaan bilawnay in aan isku dayno inaan idinka soo saarno”ayuu yiri Eng Calasow

Toddobaadka Dhaqanka wuxuu ka mid yahay wax-qabadyada ay ardaydu sameeyaan ee jaamacadda SIMAD, kuwaas oo sanadkiiba mar ay qabtaan maamulka jaamacaddu.

13491_867698319950987_1498892060467734913_n 10422247_838752752870894_3169344668127321126_n 10502008_838752709537565_7763491075932896364_n 11011930_867678723286280_648965823683796821_n 11048612_867706173283535_7729434268186356592_n 11052004_867706359950183_6869295294444307802_n 11065890_867698323284320_8692929982569912355_n 11151003_867706379950181_7016501042888330123_n 11163894_838752946204208_1908188091974723302_n 11165055_838752822870887_413618504216396010_n 11224172_867706506616835_433387894033041509_n 11231862_867706519950167_4211666191655337337_n 11258252_867725069948312_2502378309209637220_n 11265452_838752636204239_5198221771574543296_n 11269743_838752866204216_3391759330677342427_n

 

Photo By: Axmed Cali Kaahiye

Previous Post

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday askar “Dhageyso”

Next Post

Kulan lagu taageerayay Taliyaha Ciidanka Asluubta oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Kulan lagu taageerayay Taliyaha Ciidanka Asluubta oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Kulan lagu taageerayay Taliyaha Ciidanka Asluubta oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

October 8, 2025
0

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah, kaas oo Soomaaliya ay kula soo wareegayso maareynta...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

October 8, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In