Kulankaani lagu taageerayey Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jamaac (Bashir Goobe) ayaa manta lagu qabtay magalada Mudisho, ayadoo ay ka qayb galeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee barlamaanka Federaalka Soomaliya, xubno ka tirsan labada Gole dowlada ,xeer-ilaaliyaha Qaranka, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.
Xildhibaanada barlamaanka ayaa soo qaban qaabiyey kulanka lagu tageerayey Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaliyeed, waxaana heeso guubaabo ah ka qaadayey fanaaniin Kooxaha Waabari iyo Shamso-diin band iyo xildhibaan Qadiijo Maxamed Diirye oo madasha kaqaaday Gabay .
Xildhabaan Cabdirahmaan Xoosh Jabriil oo ku hadlayay magaca Xildhibaanadii ka qayb galay kulankai ayaa tilmamay in Sareeyo Gaas Bashir goobe uu yahay nin ku haboon xilka loo dhiibay.
Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud Qaranka ayaa kula dar-daarmay taliyaha cusub in uu wax ka qabto dhibaatada ka jirta xabsiyada dalka.
Wasiirka cadaaladda Ee xukumadda Soomaliya Cabdullahi Axmed Jamac (Ilka-jiir ) ayaa u rajeyey in Allah ku guuleeyo xilka cusub ee dhawaan uu la wareegay.
Guddomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Soomaliyeed mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka ka hadalay ayaa shegay in loo bahan yahay in la’iska kaashadu horumarinta xabsiyadda , isagoo taliyaha cusub ku booriyey in isbadal laga dareemo 3 bilood ee ugu horeyso, ee ku aadan howsha loo idmaday.
Guddomiyaha Maxkamadda sare dalka Abukaate Caydiid Cabdullahi (Ilka-xanaf) ayaa ugu baaqay hay’adda Caadaladda in ay ilaaliyaan Xaquuqda maxabiista siinayo sharciga dalka u yaalla.
Sawir Qaade:- Maxamed Cabdiweli Maxamed