Saturday, May 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka qeyb galay xuska 15 ka May oo xalay lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 17, 2015
in Wararka
0
Wasiiro iyo Xildhibaanno ka qeyb galay xuska 15 ka May oo xalay lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay qayb ka ahayd munaasabadaha xuska iyo weyneynta 72 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ururkii dhallinyarada Gobanimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL oo sanad kasta 15 bishaan loo dabaal dago, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

munaasabadda oo uu soo qaban qaabiyay ururka dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa mas’uuliyiinta ka qayb gashay ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka mudane Axmed Cali Daahi, Wasiirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta ahna mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025

Guddoomiyaha ururka dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed Faadumo Cabdi Warsame oo hadalka soo dhaweynta ah qaadatay ayaa waxa ay ka hadashay muhiimadda maalintani oo kale ugu fadhiso dhallinyarada Qaranka, waxaana ay codsatay in dhallinyarada xabsiyada ku jira dib loo eego.

“Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ku jiraan xabsiyada, waxaa ay ahayd in ay nala joogaan caawa, qaarkood dambiilayaal maahan, dambiyo iyagu aysan lahayn ayay u xiranyihii,  waxaan diyaar u nahay caawa idinka in aad waqtigiina u hurtaan  in la helo guddi arintaas daba gal ku sameeya,  ”ayay tiri Faadumo.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ah mas’uul saaxiib dhaw la ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu bogaadiyay dhallinta in fursada qaaliga ah ee hortaala ay ka faa’iideestaan oo isku duubni muujiyaan.

“Anigu runtii dhallinyarada Aad iyo Aad ayaan u taageersanahay,  waxaan leeyahay mustafbalka dalkaa tihiin,  maanta fursadaa haysatiin,  gudoomiyahaa idiin sheegtay guddoomiyaha waxa ay sheegtay waa run, dalkaan adinkaa mustaqbal u ah, adinkaa ugu badan, waa in aad qayb ka noqotiin hay’adaha hadda la sameynayo, in aad qayb ka noqotiinaa loo baahanyahay doorashooyinka xorta ah ee dalkeena ka dhacaya 2016 one Man one Vote”ayuu yiri Dhuxulow .

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka mudane Axmed Cali Daahir oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka qayb gashay munaasabada ayaa waxaa  uu sheegay in xafiiskiisu uu muhiimad weyn siinayo dhallinyarada

“Sideed iyo toban dhalinyaro ah oo lix gabdhood ku jirto oo qofka ugu weyn uusan sodon gaarin ayaa xafiiska jooga, ayaga haday dhallinyara xaquuqdooda raadin waayaan aniga ha I weydiinin nin cira lahna ha weydiinin 96 qof ayaa ka shaqeysa xafiiska isku dar markii aan imaanayay 38 qofbaay ahaayeen 96 daas runtii 60% waa gabdho” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka,

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) waxaa uu ku amaanay garab istaagooda dhallinyarada iyo sida ay muhiimada weyn u siiyeen xuska 15 ka May, waxaana uu dhallinyarada u sheegay in  colaadii laga gudbay dhallintuna hormuud ka tahay  horumarka dalka.

“Waxaan sidoo kale aan doonaya in aan hortiina ugu hambalyeeyo Madaxda Qaranka sida qiimaha leh oo dhallinyarada Soomaaliyeed ay gacan u siiyeen, waxana jeclahay in uu qaato tixgelinta la siiyay abaalkeeda u yahay in uu mashaqada ka leexdo, wadanka intii mashaqo ka jirtana uu badbaadiyo, waxaan rabaa in aan u sheego dhallinyarada in aanu ka baxnay colaadii waxaa nagu dhiman ay yihiin fekerkii colaada keenay in la dabar jaro iyo in muruqeyna aanu isticmaalno” ayuu yiri Wasiirka dhallinyarada.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo gabagabadii ka hadlay ayaa waxaa uu ka codsaday dhallinyarada in ay dowladda gacan ku siiyaan sidii nabad diidka looga sifeyn lahaa dalka, isagoo u soo jeediyay Al-Shabaab in ay nabada qaataan.

“Intiina hadaad nala tagtaan way iska cararayaan, wiilashaanu dowladdu in ay tahay dowlad wanaagsan intaani oo dhami aan leenahay Cali Dheerow way kuu furantahay in aad timaado Ilaaha idinku dhaarshey, miyaanay astaamaha arkaynin in dowladdu ay tahay dowlad fiican waxaan leeyahay iska imoow kuuma diidanin, hadee wixii xun waa la diidi,  taad beni’aadamku saakuu kaga duwan yahay xawyaanku, dhallinyardiina idinka waad soo heli kartiin in aad tiraahdaan war maxaa dan ah kuugu jirta, in aad dad disho ama lagu dilo, waxaan diin ma ahan mabaadi’ ma ahan dadnimo, ma ahan ilma adeerayaalow nala raadiya dadkan guriyaha ugu taga adinkaa yaqaane oo u caqli celiya” ayuu Wasiir Maareeye hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

 

1 2 4 5 6 7 8 9

Sawir Qaade:- Axmed Cali Kaahiye

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Madaxda dalka Shiinaha kala hadashay wax u qabashada Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Madaxda dalka Shiinaha kala hadashay wax u qabashada Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Madaxda dalka Shiinaha kala hadashay wax u qabashada Soomaaliya “SAWIRRO”

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
0

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah...

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

May 9, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In