Sunday, August 14, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Madaxda dalka Shiinaha kala hadashay wax u qabashada Soomaaliya “SAWIRRO”

May 17, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Madaxda dalka Shiinaha kala hadashay wax u qabashada Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed oo booqasho rasmi ah ku tagtey Dalka Shiinaha ayaa halkaasi kula kulantay dhigeeda Caafimaadka ee Dalka Shiinaha Li Bin, oo ay ka wada hadleen sidi dib loogu soo celin lahaa mashaariicdii caafimaadka ee ay ka fulin jireen gudaha dalka, gaar ahaan in dib u dhis lagu sameeyo Isbitaalka Benadir oo ka mid ah Isbitaalada ay horay dhiseen Shiinaha, Sidoo kale in dib loo soo celiyo Qubaradii caafimaad ee ay u soo diri jireen Soomaaliya.

Labada Wasiir aya waxay ku heshiyeen in sida ugu dhaqsiyaha badan wafdi ka socdo Wasaaradda Caafimaadka ee Dalka Shiinaha loo soo diro Soomaaliya, si ay uso qiimeeyaan baahida caafimaad ee dalka ka jirta, sidoo kale waxa la isku afgartay in heshis labada dal ah lagala saxiixdo dhawaan.

Related posts

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

August 13, 2022
Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

August 13, 2022

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaaliya iyo Wafdiga ay hogaamineyso waxay sidoo kale booqdeen saddex Gobal oo ka mid dalka Shiinaha, gar ahaan waxay si gooni ah u booqdeen Warshadaha soo saara daawooyinka, isbitaalada wadanka, Jaamacadaha Dalka iyo Xarumaha Cilmi Baarista ee Wadanka Shiinaha, ayadoo dhamaan balan qaadyo rasmi ah kasoo heshay dhamaan meelihi wafdika Soomaaliya uu booqday.

Drs Xaawo Xasan Maxamed waxay sidoo kale la kulantay madax kala duwan oo Dalka Shiinaha gaar ahaan Guddomiyayaasha saddexda Gobal ee ay booqatay, waxayna isku dhaafsadeen kulankaas arrimo la xariiro sidii kor loogu qaadi lahaa tacliinta iyo deeqda wax barasho ee la sinaayo ardayda Soomaaliyeed, sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya waxay kala hadashay dhamaan madaxdii ay la kulantay in ardayda Soomaaliyeed laga caawiyo dalka ku galka Wadanka Shiinaha oo maalmahan aad ugu adkaa ardayda heshay wax barashada dalkaasi.

Wasiirka waxa ay madaxdii ay la kulantay ay ka codsaday in ardayda Soomaaliyeed oo aad uga cabanayey in caqabad dhinaca helida qabuuraha Muslimiinta marki uu qof ka geeriyodo ay kala kulmaan, ay si fican ugala hadashay in lagu ixtiraamo ardayda Soomaaliyeed dhaqankooda iyo diintoda taaso ay aqbaleen madaxdii ay la kulantay.

Wasirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaaliya iyo wafdiga la socday waxay la kulmeen ardayda Soomaliyeed ee wax ka barata Dalka Shiinaha, kulankaas oo runtii la isku dhaafsaday horumarka ay ku tilaabsadeen ardayada iyo dhibaatoyinka ay qaban, waxayna balan qaaday in dhamaan dhibaatooyinkaas la gaarsin doono madaxda Dalka waxna laga qaban doono.

4 China and Somali Health Ministr IMG_2071 IMG_2077 IMG_2208 IMG_2221 IMG_2405 IMG_2467 IMG_2468 IMG_2851 IMG_2968 IMG_3024 IMG_3119 IMG_3123 IMG_3132 IMG_3134 Wasiirka Caafimaadka Somalia iyo Governor Jilin Province

Nuur Ismail Sheikh

 

 

Previous Post

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka qeyb galay xuska 15 ka May oo xalay lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

C/raxmaan Jeylaani oo Indhaha loo fiiqay iyo  Xil Dhuxulow oo caawiyey ardeygaasi (Sawirro)

Next Post
C/raxmaan Jeylaani oo Indhaha loo fiiqay iyo  Xil Dhuxulow oo caawiyey ardeygaasi (Sawirro)

C/raxmaan Jeylaani oo Indhaha loo fiiqay iyo  Xil Dhuxulow oo caawiyey ardeygaasi (Sawirro)

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

August 13, 2022
0

Ra’iisul Wasaaradah Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee wasaaradda...

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

August 13, 2022
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga mudane...

Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

August 13, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), oo uu wehliyo Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, Xoghayaha...

Ciidamada Isku Dhafka Ah Ee Puntland iyo Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid

Ciidamada Isku Dhafka Ah Ee Puntland iyo Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid

August 13, 2022
0

Masuuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta si wadajir ah ugu wareejiyay labo gaari Ciidanka isku dhafka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In