Sunday, April 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha J. F.S. oo shirkadaha ganacsiga ugu baaqay ineey maalgeliyaan nidaamka dowladda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo maanta xariga ka jaray bangi caalami ah oo lagu magacaabo Premier Bank -SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay xawaaladaha ganacsiga, bangiyada iyo shirkadaha kale ee gaarka loo leeyahay ineey ka qeyb qaataan hirgelinta hannaanka dowliga ah ee dalka ka soconaya.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shirkadaha ganacsiga iney gacan ka geystaan xoojjinta hey’adaha dowladda islamarkaana ay dowladaha hoose ka caawiyaan diiwaan gelinta dadka si loo aqoonsado dadka lacagaha ka qaadanaya xawaaladaha Soomaalida.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

April 19, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026

Sidoo kale madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in arrintaasi ay kala saari doonto shakigii laga qabay inaan la kala garaneynin dadka Soomaaliyeed ee lacagaha ka qaata xawaaladaha dalka.

“Waxa nalaga rabaa waxeey tahay nidaamkii dadka diiwaangelintii iyo dekominti dadka lagu aqoonsado iyo raad raac nidaamkaasoo dhan oo naga maqan oo ay ugu horeeyaan ID kaariskii dadka lagu aqoonsanayay, teestarayaashoodi in qof kastoo Soomaaliya la dhihi karo qofkaasi waa hebel hebel meeshaasuu ku dhashay da’diisu waa intaas, haddii aanan intaasi soo gaarin waa dhibtooneynaa” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ dowladdu marka haddii dhaqaale waxaas ay ku kala soconsiiso aysan helin wax ma qaban karto,  marka Bangiyada iyo xawaaladaha waxaa laga rabaa ineey nidaamka dowladda maalgeliyaan.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay xaflad uu ku furayay bangi cusub oo bixinaya adeegyo casri ah, kaasoo ay Muqdisho ka hirgeliyeen ganacsato Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Jabuuti

Next Post

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Jabuuti

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay'adda Socdaalka iyo...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa...

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(WASHINGTON):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa ka warbixiyay shir sanadeedka Gugga(Spring Meetings)oo lagu qabtay magaalada Washington....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In