Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa raashin iyo gaadiid ku wareejisay Maamulka Jubaland, kaddib markii uu safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya iyo wafi la socday ay howlo shaqo u tageen magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Raashinka oo isugu jirta bur, bariis, sonkor iyo timir ayaa munaasabaddii lagu wareejinayay waxa ay ka dhacday dekadda magaalada Kismaayo, iyadoo ay goobta joogeen Madaxda maamulka Jubaland.
Safiirka dowladda Imaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Cismaan (Al-xumaada) oo ugu horeyn goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in deeqda raashinka ah ay ka timid Madaxa guud ee hay’adda bisha cas Sheekh Xamdan binu Sa’id Al-nahyaan, isla markaana ay tahay mid loogu talagalay in lagu caawiyo bulshada tabaaleysan ee ku nool deegaanada uu maamulka Jubaland gacanta ku haya, oo ay bisha soon ee bilaneysa isticmaalaan.
“Deeqdan waxa ay isugu jirtaa raashin iyo labo gaari oo mid ka mid ah yahay gaadiidka gurmadka deg dega, halka kan kale uu yahay nooca ciidanka ay isticmaalaan, tan kale waxaa noo qorsheysan in aan mashaariic kala duwan ka hirgelino halkan, idinkuna waad mahadsantihiin sida diiran ee aad u soo dhaweyseen, aniga iyo wafdiga ila socday” ayuu yiri Danjire Maxamed Axmed Cismaan.
Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka gurmadka ay u fidineyso shacabka deegaannada Jubbooyinka, waxaana uu intaa ku daray in deeqda raashinkaah uu Maamulkooda gaarsiin doono dadkii loogu talagalay.