Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdsho ayaa waxaa loogu qeybiyay go’aan kasoo baxay golaha Wasiirada, kaasoo ku saabsan Xalinta xaalada siyaasadeed ee Jubbaland.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka shirkii baarlamaanka ee maanta ayaa Xildhibaannada iyo shacabka ku wargeliyay in uusan lahayn magacyada baraha bulshada lagu sameystay magaciisa, sida Facebook iyo twitter .
“Aniga ma lihi magaceyga cinwaanada lagu sameystay oo lagu qor qoray caay iyo aflagaado kale, aniga waxaan xildhibaanada iyo shacabka u sheegayaa ina an lahayn baro loo adeegsado bulshada, sida facebook iyo twitter, xoghaynanada ayaan la wadaagay in arrintaas ay dacwad ka gudbiyaan” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.
Afhayeenka baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Xildhibaanada baarlamaanka hor dhigay codsi ka yimid Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo ahaa go’aan Golaha Wasiiradu uu gaaray 21-kii bishaan, oo ay baarlamaanka kaga codsanayeen in uu hakiyo muddo kooban mooshinka ku saabsan Golaha Wakiilada Maamulka KMG ah ee Jubba.
“Waxaa guddoonka soo gaaray warqad ka timid Ra’iisul wasaaraha, oo ay Xukuumaddu codsaneyso in la hakiyo mooshinka hadda socda heerka uu jooga, oo ay la wareegaan xaaladda oo ay soo baaraan, isla markaana warbixin ka keenaan , Ra’iisul wasaaraha waxa uu ii sheegay in muddo labo isbuuc ah la siiyo, oo ay warbixin cad ka keeni doonaan, marka golaha xukuumadda oo noo ah adimaha ayaa naga soo codsaday marka arrinta ayaa na hortaala”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamanka.
Codsiga ka yimid Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa jeedadiisu ahayd go’aan gole oo la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee Jubaland, waxaana laga dalbaday baarlamaanka Soomaaliya inay hakiyaan muddo kooban arrinta ku aadan mooshinka ka dhanka ah ee Golaha Wakiilada ee Jubaland, waxaana Xildhibaanada intaas kaddib ay codsadeen in cod la geliyo codsiga Ra’iisul wasaaraha balse sida uu qabo xeer hoosaadka golaha shacabka, 28aad farqadiisa 3-aad waxaa guddoonka golaha ay faraysaa in uu hubiyo guntanka oo ah tirada Xildhibaannada goob jooga ah ka hor codeynta, waxaana markii la tiriyay tirada Xildhibaannada ee shirka fadhida uu guddoomiyaha baarlmaanka ku dhawaaqay in tiradaasi aanu ahayn tirada saxda ah ee codeynta ku bilaabaneyso oo fareyso inay noqoto 139,
“Inta saaka shirka timid oo saxiixday waa 158, hase yeeshee tirada hadda fadhisa marka lagu daro guddoonka iyo habdhoorayaasha waa 130, marka sidaa darteed cod lama qaadi karo, arrintan waa arrin tartiib u baahan, anaga kama boodi karno xeer hoosaadka, marka fadhiga xiga ayay noo noqoneysaa, shirkana wuu noo xiranyahay” ayuu Afhayeenka Baarlamaanka hadalkiisa ku daray.