Wasiirka wasaaradda haweenka maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Faadumo Cumar Abuu oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Binti Ibraahim Cali iyo la taliyaha wasaaradaasi Maryan Maxamed Nuur ayaa maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Wafdigani ayaa markii ay gaareen magaalada Gaalkacyo waxaa garoonka diyaaradaha gaalkacyo ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Galmudug iyo qaar ka mid ah bulshada ku nool magaaladaasi.
Soo dhaweyn kadib ayaa waxaa si wadajir ah saxaafada ula hadlay wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug Sahro Maxamed Cali iyo xubnihii ka socday wasaaradda haweenka maamulka koonfur galbeed soomaaliya
Sahro Maxamed Cali wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug oo ugu horeyn la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan yihiin imaanshiyaha wafdigan islamarkaana ay uga mahad celinayaan aqbalaada casuumada ay ka aqbaleen waxaana ay tilmaantay in ujeedka imaanshiyahoodu uu salka ku hayo laba arimood oo ah kormeer ku aadan xaalada ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ee ku sugan deegaannada Galmudug kuwaasi oo intooda badan ah dad ka soo barakacay Gobolada koonfureed ee Dalka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa ilaalinta xuquuqul insaanka
Wasiirka wasaaradda haweenka maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya Faadumo Cumar Abuu ayaa iyana waxa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay soo gaaraan magaalada Gaalkacyo islamarkaana ay uga Mahad celinayaan wasiirada haweenka Galmudug casuumada ay u fidisay Mahad celin ka dib waxay ay faah faahin ka bixisay u jeedka socdaalkooda kaasi oo ay ku sheegtay hadafka ugu weyn inuu yahay in ay kala qeyb galaan munaasabad lagu dhagax dhigayo xarun cusub oo loo dhisayo wasaaarada haweenka Galmudug
Wafdiga wasaaradda haweenka maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa inta ay ku sugan yihiin gaalkacyo booqan doonaan xeryaha barakacayaasha ee magaalada Gaalkacyo.
Sawir Qaade:- C/risaaq Maxamed Axmed Galkacyo