Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaro kale duwan oo maleeshiyaadka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed ee UGUS loogu geystay deegaanno hoosyimaada Ow-dheegle oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose oo ay soo weerareen xalay.
Taliyaha ayaa sheegay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo mar walbo feejignaan kaga jira hagardaamooyinka UGUS jab isugu jira dhimasho iyo dhaawac ugu geystay Owdheegle iyo deegaanno hoosyimaada oo si dhuumaaleysi ah ay u soo weerareen UGUS.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa xusay in dhanka ciidamadeena ay kaga geeriyootay dagaakii xalay ay ku galeen deegaano ka tirsan shabeelaha hoose 3 askari halka 4-kalena uu dhaawac soo gaaray.
“Waxaa socda dadaalo dalka oo dhan looga ciribtirayo UGUS oo heer gaba gaba ah maraya islamarkaana Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay cagta marin doonaan maleeshiyaadkaasi oo dhan walba ka taag daran”. Ayuu yiri Indhaqarshe
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo sii hadlay ayaa sheegay in ciidanka uu ku socdo dhismo xoog leh, islamarkaana ay socdaan qorshaha isku dhafka ciidanka oo meel wanaagsan maraya xubnaha u xilsaaran arrinkaasina ay ku kala maqanyihiin gobolada dalka.