Monday, May 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Oo Kaga Qeyb Galaya Abuuja Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub Ee Nigeria

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweyha jamhuuriyadda Federaalka ah ee  Soomaaliya  oo ku wajahan Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyanha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galinka dambe ee maanta u ambabaxay magaalada Abuuja eee xarunta dalka Dalka Nigeria, halkaasi uu kaga qeyb galayo caleema saarka madaxweynaha cusub dalkaasi Muhamadu Buhari, waxaana garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubno ka tirsan labada gole dowladda.

Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria ayaa loo doortay xilka madaxtinimo 1.dii April ee sanadkani, isagoo kaga guuleystay doorashada madaxweynihiii hore ee dalkaasi Goodluck Jonathan.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka mid noqonaya madax badan oo caalamka ah oo ka qeybgaleysa munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeriya .

Inta uu joogo Magaalada Abuuja Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in kulan gaar ah uu la qaato madaweynaha Cusub ee dalkaasi kaasi oo diirada lagu saari doono arrimo ay ka mid yihiin sida labada dal ay isaga kaashan lahaayeen ka hortaga Qatar-ta kooxda aragxisada sida Al-shabab iyo Boka xaraam ee Nigeria ka dagaalanta .

Muhamadu Buhari oo isagu ah nin ka soo jeeda deegaanada waqooyi ee Muslimiinta Nigeria, ayaa ololihiisa ku galay inuu wax ka qaban doono amniga gaar ahaan Boko Xaraam, Musuq Maasuqa iyo Dhaqaalaha dalka Nigeria.

Madaxweynaha dalka Nigeria ayaa 3 goor oo hore u tartamay xilka Madaxweynenimo, wuxuuna sidoo kale horey uga soo taliyey dalka Nigeria 1984-tii muddo kooban oo uu inqilaab militari ku qabsaday ka hor intaan isna inqilaab xilka looga xayuubin 20 bilood kadib

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’isul Wasaare Cumar:-“Guddi Soo Qiimeeya Cabashada Jubbaland Ayaa La Magacaabayaa” “Sawirro”

Next Post
Ra’isul Wasaare Cumar:-“Guddi Soo Qiimeeya Cabashada Jubbaland Ayaa La Magacaabayaa” “Sawirro”

Ra’isul Wasaare Cumar:-“Guddi Soo Qiimeeya Cabashada Jubbaland Ayaa La Magacaabayaa" "Sawirro"

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In