Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Oo Kaga Qeyb Galaya Abuuja Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub Ee Nigeria

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweyha jamhuuriyadda Federaalka ah ee  Soomaaliya  oo ku wajahan Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyanha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galinka dambe ee maanta u ambabaxay magaalada Abuuja eee xarunta dalka Dalka Nigeria, halkaasi uu kaga qeyb galayo caleema saarka madaxweynaha cusub dalkaasi Muhamadu Buhari, waxaana garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubno ka tirsan labada gole dowladda.

Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria ayaa loo doortay xilka madaxtinimo 1.dii April ee sanadkani, isagoo kaga guuleystay doorashada madaxweynihiii hore ee dalkaasi Goodluck Jonathan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka mid noqonaya madax badan oo caalamka ah oo ka qeybgaleysa munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeriya .

Inta uu joogo Magaalada Abuuja Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in kulan gaar ah uu la qaato madaweynaha Cusub ee dalkaasi kaasi oo diirada lagu saari doono arrimo ay ka mid yihiin sida labada dal ay isaga kaashan lahaayeen ka hortaga Qatar-ta kooxda aragxisada sida Al-shabab iyo Boka xaraam ee Nigeria ka dagaalanta .

Muhamadu Buhari oo isagu ah nin ka soo jeeda deegaanada waqooyi ee Muslimiinta Nigeria, ayaa ololihiisa ku galay inuu wax ka qaban doono amniga gaar ahaan Boko Xaraam, Musuq Maasuqa iyo Dhaqaalaha dalka Nigeria.

Madaxweynaha dalka Nigeria ayaa 3 goor oo hore u tartamay xilka Madaxweynenimo, wuxuuna sidoo kale horey uga soo taliyey dalka Nigeria 1984-tii muddo kooban oo uu inqilaab militari ku qabsaday ka hor intaan isna inqilaab xilka looga xayuubin 20 bilood kadib

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’isul Wasaare Cumar:-“Guddi Soo Qiimeeya Cabashada Jubbaland Ayaa La Magacaabayaa” “Sawirro”

Next Post
Ra’isul Wasaare Cumar:-“Guddi Soo Qiimeeya Cabashada Jubbaland Ayaa La Magacaabayaa” “Sawirro”

Ra’isul Wasaare Cumar:-“Guddi Soo Qiimeeya Cabashada Jubbaland Ayaa La Magacaabayaa" "Sawirro"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda  Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda Muqdisho

January 8, 2026
0

Bannaanbax ka dhan ah xadgudubka Israa’il ee madaxbannaanida JFS ayaa caawa ka socda Muqdisho. Bannaanbaxan ayaa waxaa dhigaya boqolaal qof...

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In