Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha oo shaaciyay xilliga uu furmayo wejiga labaad ee shirka ka socda Cadaado “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha oo shaaciyay xilliga uu furmayo wejiga labaad ee shirka ka socda Cadaado “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga farsamada maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa”, Wasiir dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad, madax ka tirsan maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb, musharixiin, Ergada la soo xulay iyo marti sharaf kale ayaa xalay lagu qabtay xarunta Kafaalo ee magaalada Cadaado.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ayaa ugu horayn ka hadashay muhiimadda munaasabadan.

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026

“Waa munaasabad aan ugu talagalnay isdhexgalka bulshada, Ergooyinka oo gaaraya 300 oo qof iyo odayaasha meeshii ay isku arkeen waaye, waxaan u samaynay wacyigalin, madaxdu inay ka soo qayb qaadato oo ay is arkaan, musharixiinta in la siiyo fursad ay ra’yigooda ku soo jeedin karaan” ayay tiri Xaliimo Yarey.

Madaxwayne ku-xigeenka Ximan iyo Xeeb Korneel Cabdi Maxamed Suldaan Axmed-nuur ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay xil weyn iska saarayaan sidii uu ku guulaysan lahaa shirka Cadaado, isagoo soo jeediyay in ciidamada ammaanka lala shaqeeyo.

Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa isna halkaas ka sheegay in shaqooyin badan la soo qabtay inta dhimana loo baahanyahay in wada jir iyo iskaashi  lagu suuragaliyo.

Qaar ka mid ah aqoonyahanadii kulanka ka soo qayb galay ayaa Ergada la soo xulay kula dardaarmay inay si qoto dheer kaga fikiraan go’aanada horyaala.

Ugu dambayn waxaa munaasabadda soo xiray Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed, waxaana uu si rasmi ah u sheegay in shirka wajigisa 2-aad uu furmayo maalinta Axadda ah, markaas oo la guda galayo qaybaha ugu muhiimsan shirka.

DSC_4284 DSC_4336 DSC_4340 DSC_4346 DSC_4352  DSC_4399 DSC_4432 DSC_4473 DSC_4577 DSC_4579 DSC_4632

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda oo shir uga qayb galay Dalka Ivory Coast “SAWIRRO”

Next Post

Waxgarad ku baaqay in la joojiyo dagaallo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Ethiopia

Next Post
DAAWO: Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ku baaqday joojinta colaadda gobolka Hiiraan

Waxgarad ku baaqay in la joojiyo dagaallo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Ethiopia

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In