Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha oo shaaciyay xilliga uu furmayo wejiga labaad ee shirka ka socda Cadaado “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha oo shaaciyay xilliga uu furmayo wejiga labaad ee shirka ka socda Cadaado “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga farsamada maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa”, Wasiir dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad, madax ka tirsan maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb, musharixiin, Ergada la soo xulay iyo marti sharaf kale ayaa xalay lagu qabtay xarunta Kafaalo ee magaalada Cadaado.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ayaa ugu horayn ka hadashay muhiimadda munaasabadan.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

“Waa munaasabad aan ugu talagalnay isdhexgalka bulshada, Ergooyinka oo gaaraya 300 oo qof iyo odayaasha meeshii ay isku arkeen waaye, waxaan u samaynay wacyigalin, madaxdu inay ka soo qayb qaadato oo ay is arkaan, musharixiinta in la siiyo fursad ay ra’yigooda ku soo jeedin karaan” ayay tiri Xaliimo Yarey.

Madaxwayne ku-xigeenka Ximan iyo Xeeb Korneel Cabdi Maxamed Suldaan Axmed-nuur ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay xil weyn iska saarayaan sidii uu ku guulaysan lahaa shirka Cadaado, isagoo soo jeediyay in ciidamada ammaanka lala shaqeeyo.

Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa isna halkaas ka sheegay in shaqooyin badan la soo qabtay inta dhimana loo baahanyahay in wada jir iyo iskaashi  lagu suuragaliyo.

Qaar ka mid ah aqoonyahanadii kulanka ka soo qayb galay ayaa Ergada la soo xulay kula dardaarmay inay si qoto dheer kaga fikiraan go’aanada horyaala.

Ugu dambayn waxaa munaasabadda soo xiray Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed, waxaana uu si rasmi ah u sheegay in shirka wajigisa 2-aad uu furmayo maalinta Axadda ah, markaas oo la guda galayo qaybaha ugu muhiimsan shirka.

DSC_4284 DSC_4336 DSC_4340 DSC_4346 DSC_4352  DSC_4399 DSC_4432 DSC_4473 DSC_4577 DSC_4579 DSC_4632

 

 

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda oo shir uga qayb galay Dalka Ivory Coast “SAWIRRO”

Next Post

Waxgarad ku baaqay in la joojiyo dagaallo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Ethiopia

Next Post
DAAWO: Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ku baaqday joojinta colaadda gobolka Hiiraan

Waxgarad ku baaqay in la joojiyo dagaallo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Ethiopia

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In