Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Roobabkii ka da’ay Caasimadda oo saameyn ku yeeshay qoysas danyar ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Roobabkii ka da’ay Caasimadda oo saameyn ku yeeshay qoysas danyar ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Roobabka oo ah xiliga Gu’ga, ayaa bilowdey aroortii hore ee saaka, waxa uuna ahaa Roob aad u xoog badan, waxa ay aheyd marxalad loo baahnaa Roobka laakin, saameyn  ballaaran ayuu ku yeeshay dadka danta yar, Ganacsiga caasimadda, usu socodka Gaadiidka nooc walba, waxaa jira in meelaha qaarna uu ka geystay khasaare ballaaran.

Qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaa ku nool dad barakacayaal ah oo meelo kala duwan ka yimid, waxaa ka mid ah dadka ka soo laabtay dalka Yemen, inkastoo dadkaasi qaar loo sameeyey dib u dajin welina dadaalkaasi uu socda.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir qoysas danya ah oo ku nool ayuu  khasaare u geystay Roobka, waxaana wararku ay sheegayaan  in laba qof ay ku dhinteen mid ka mid ahna dadkaasi uu yahay Ilmo yar, dadka ku nool Kaamamka ayaa iyaguna qaba dhibta uu sababay Roobka Muqdisho ka da’ay, kuwaas oo qaarkood uu ka dumay guryahii ay degnaayeen oo ka sameysnaa Cooshado iyo Baakado.

Degmooyinka Hodan iyo Warta-Nabadda ayaa lagu soo waramayaa in khasaare uu u geystay Roobka dad danyar ah oo aanan awoodin xilligaan in ay sameystaan guryo ay ka galaan Dhibicda Roobka ee xoogga iyo Dabeysha wadata.

Ganacsiga iyo Gaadiidka dadweynaha ayaa muddo saacado badan hakad gelay maanta kaddib markii ay daadad buux dhaafiyeen waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayay dadka qaarkood oo xaafadahooda ku sameysanaya biyo-xireeno si aysan guryaha ugu gudbin daadka ka dhashay Roobka Muqdisho ka da’aay saacadihii la soo dhaafay.

Dadka qaar ayaa codsaday in gurmad loo fidiyo, maadaama ay deganyihiin guryo ka sameysan cowshado iyo baco, waxaana qoysaska barakacayaashu ay xilligan u muuqdaan kuwa ay soo wajahday xaalado adag oo xagga nolosha ah.

Dhanka kale roobab mahiigaan ah ayaa saaka ka bilowday magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, iyadoo qaar ka mid ah qoysaska danyarta ah ay codsadeen in ilgaar ah lagu eego.

 

 

Previous Post

Mas’uuliyiin bukaanno Soomaaliyeed ku booqday isbitaal ku yaalla Qatar “SAWIRRO”

Next Post

Siminaar loo furay qaar ka tirsan shaqaalaha Wasaaradaha Maamulka K/galbeed ee dalka

Next Post
Siminaar loo furay qaar ka tirsan shaqaalaha Wasaaradaha Maamulka K/galbeed ee dalka

Siminaar loo furay qaar ka tirsan shaqaalaha Wasaaradaha Maamulka K/galbeed ee dalka

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In