Friday, June 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay ka hortagga Argagixisada oo lagu qabtay Nairobi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 30, 2015
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay ka hortagga Argagixisada oo lagu qabtay Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayay sida looga hor tagi karo khatarta argagaxasida iyo xagjirnimada ayaa maanta lagu qabtay xaafadda ay Soomaalidu sida weyn u degto “Islii” ee magaalada Nairobi.

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga Culimaa’udiinka ee Wadanka Kenya ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xildhibaanno ka soo jeeda gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, saraakiisha ciidanka booliska, aqoonyahanno, waxgarad, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

June 26, 2025
Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

June 26, 2025

Xildhibaan,  C/qaadir Oorre Axmed oo kamid ah Xildhibaanadda ka soo jeeda Galbeedka magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ahmiyadda ugu weyn ay aheyd sidii looga hor tagi lahaa xagjirnimada la doonayo in lagu hago dhallinyarada ku nool xaafadda Islii.

Oorre ayaa intaa ku daray in la isku afgartay wada shaqeyn dhab ah oo dhax marta booliska iyo dhallinyarada xaafadda Islii, si looga fogaado halista xgjirnimada iyo nabad galyo darrida guud ahaan wadanka Kenya.

Xildhibaan,  C/qaadir Oorre Axmed “Halkaan waxaan u fadhinay shir lagula hadlayay dhallinyarada oo ku saabsan ka hortagidda arrimaha xagjirnimada, waxaa ka soo qeybagashay mas’uuliyiin, booliska iyo dhallinyaro, waxyaabo badan ayaa la is weydaarsaday, waxaana halkaan lagu go’aansaday in ay wada shaqeeyaan booliska iyo dhallinyarada ku nool xaafadda Islii, marka howshaan meelo badan oo wadanka ah ayay ka socotaa”

Axmed oo ku hadlayay magaca guddiga ganacsatada Islii ayaa yiri “Shirkan wuxuu ahaa mid aad iyo aad muhiim u ah, waxaana ka soo qeybgalay ururo kala duwan, waxaa soo qaban qaabiyay guddiga culimada ee wadanka Kenya, muhiimada waxay aheyd sidii loola dagaalami lahaa argagaxisada,waxyaabo badan ayaa la isku dhaafsaday shirka”.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay qaar ka tirsan mas’uuliyiintii ka qeybgashay kulanka, iyagoo bogaadiyay  in meel looga soo wada jeesto kooxaha argagaxisada  oo lala shaqeeyo hay’adaha amniga, si looga hortago qatarta kooxhan ay ku hayaan bulshada.

 

Previous Post

Siminaar loo furay qaar ka tirsan shaqaalaha Wasaaradaha Maamulka K/galbeed ee dalka

Next Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Shiinaha “SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Shiinaha “SAWIRRO”

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Shiinaha “SAWIRRO”

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

June 26, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo sii wada howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee saacadihii...

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

June 26, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xorriyadda Gobollada...

wasiiru Dowlaha Caafimaadka XFS oo ka qeyb gashay Shir caalami ah

wasiiru Dowlaha Caafimaadka XFS oo ka qeyb gashay Shir caalami ah

June 26, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryam Maxamed Xuseen, iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa ka qeyb galay...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka mahadceliyay garab istaaga dhaqaale ee dalalka Midowga Yurub

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka mahadceliyay garab istaaga dhaqaale ee dalalka Midowga Yurub

June 26, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In