Kulan looga hadlayay sida looga hor tagi karo khatarta argagaxasida iyo xagjirnimada ayaa maanta lagu qabtay xaafadda ay Soomaalidu sida weyn u degto โIsliiโ ee magaalada Nairobi.
Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga Culimaaโudiinka ee Wadanka Kenya ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xildhibaanno ka soo jeeda gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, saraakiisha ciidanka booliska, aqoonyahanno, waxgarad, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Xildhibaan,ย C/qaadir Oorre Axmed oo kamid ah Xildhibaanadda ka soo jeeda Galbeedka magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ahmiyadda ugu weyn ay aheyd sidii looga hor tagi lahaa xagjirnimada la doonayo in lagu hago dhallinyarada ku nool xaafadda Islii.
Oorre ayaa intaa ku daray in la isku afgartay wada shaqeyn dhab ah oo dhax marta booliska iyo dhallinyarada xaafadda Islii, si looga fogaado halista xgjirnimada iyo nabad galyo darrida guud ahaan wadanka Kenya.
Xildhibaan,ย C/qaadir Oorre Axmed โHalkaan waxaan u fadhinay shir lagula hadlayay dhallinyarada oo ku saabsan ka hortagidda arrimaha xagjirnimada, waxaa ka soo qeybagashay masโuuliyiin, booliska iyo dhallinyaro, waxyaabo badan ayaa la is weydaarsaday, waxaana halkaan lagu goโaansaday in ay wada shaqeeyaan booliska iyo dhallinyarada ku nool xaafadda Islii, marka howshaan meelo badan oo wadanka ah ayay ka socotaaโ
Axmed oo ku hadlayay magaca guddiga ganacsatada Islii ayaa yiri โShirkan wuxuu ahaa mid aad iyo aad muhiim u ah, waxaana ka soo qeybgalay ururo kala duwan, waxaa soo qaban qaabiyay guddiga culimada ee wadanka Kenya, muhiimada waxay aheyd sidii loola dagaalami lahaa argagaxisada,waxyaabo badan ayaa la isku dhaafsaday shirkaโ.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay qaar ka tirsan masโuuliyiintii ka qeybgashay kulanka, iyagoo bogaadiyayย in meel looga soo wada jeesto kooxaha argagaxisadaย oo lala shaqeeyo hayโadaha amniga, si looga hortago qatarta kooxhan ay ku hayaan bulshada.