Qeybaha bushada ku dhaqan magaalada Beladweyne ayaa bilaabay in ay dib u dayactiraan waddooyinkii ku xirmay roobabkii dhawaan ka da’ay magaalada Beladweyne , meelaha ay ka socdaan howlahaasi dayactirka ah ayaa waxaa ka mid ah Xaafadda Xaawo Taako, ayadoo ay ka qeyb qaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.
Xaamud Cali Wehiliye waxa uu ka mid yahay waxgaradka ku howlanb sidii bulshada loogu dhiiro gelin lahaa nadaafada deegaanka ayaa sheegay in ay bulshadu garwaaqsatay in ay dib u dayactiraan waddooyinka muhiimka ah oo ay ka mid tahay wadada ay hada dayac tirayaan
“Dhamaan bulshadii oo dhan ayaa umidowday in aan dayactirno wadadaan quraankana waan aqrisanay marka ugu horeyso wadadaan sida looga waramay waxa waaye wado isku xirta Buula Burte iyo tuulooyin hoosyimaada mar hadii uu roobyimaado ama biyo baxi timaadane weey go’aysaa marka maamulka gobolka iyo degmada in ay naga caawiyaan arrintan ayaan codsaneynaa” ayuu yiri Xaamud.
Guddomiye ku-xigenka maamulka gobolka Hiiraan ee arrimaha bulshada Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa ku dhiirogeliyay bulshada in ay sii wadaan iskaashiga iskaa wax u qabso ah.
“Waxaa shafaraf weyn inoo ah qaar kamid ah bulshadeena oo ku dhaqan Xaafada Xaawo Taako in ay bilaabaan howshan kadib markii ay ila soo xariireen oo ay ii sheegeen in ay wadaan howshan balaaran wadadan waa wado isku xirta Buula Burte iyo Tuulooyinka hoos yimaada, marka waxaad moodaa in ay bulshadii is abaabuleyso taasna idaacadaha waan ka sheegnay in barnamijyo wacyigelin ah la sameeyo si wax qabadka bulshada uga yimaado, intaan hay’adaha la gaarin intaan dowlad lagaarin waaa in bushada lagu dheeri giliyaa in ay wax qabsan karaan.