Friday, October 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya: “Ma ogolaaneyno wax ka yar heshiis xalaal ah oo ku saabsan arrimaha shidaalka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya: “Ma ogolaaneyno wax ka yar heshiis xalaal ah oo ku saabsan arrimaha shidaalka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdishu, 31 May 2015: Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxaa farxad u ah in ay ka warbixiso in sahanka shidaalka laga sameeyey Soomaliya uu yahay rajadiisa mid dhiira-gelin leh.

Soomaliya waa mid dhaqso u soo kabsaneysa, maalgashayaashu waxa ay garwaaqsanayaan fursadaha ka jira Soomaaliya, waxaana ay Dowlada Federaalka way soo dhoweyneysaa arintaa.

Related posts

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

October 17, 2025
Muqdisho oo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo lagu taageeraayo xildhibaanada cusub

Muqdisho oo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo lagu taageeraayo xildhibaanada cusub

October 17, 2025

In laga soo kabsado colaad muddo 25 sano socotay ma han mid si fudud looga soo kabsan karo. Sharciga iyo nidaam dowladeed dhameystiran waa in dib loo unkamaa. Halka dib-u-kabashada dhaqaale uu yahay mid muhiim u ah xasiloonida, Dowladda Federaalka waxay aqoonsan tahay in arimahaas lagu gaari karo hufnaan oo weliba ay ku jirto feejignaan iyo wax wadaag siman.

“Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya waxay kaalin weyn ka geysan doontaa kobaca dakhliga gudaha ee ay yeelaneyso Dowladda Federaalka. Waaxaha shidaalka iyo gaaska waxay noqdeen kuwo si aad ah loo daneeyo, laakiin inagu kuma deg degeyno heshiiyo wax u dhimaya awoodda Dowladda Federaalka ee ay ku abuuraneyso dakhligeeda,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Mukhtaar Ibraahim.

“Wasaaradda waxay si dhow ula shaqeyneysaa African Legal Support Facility, waax ka mid ah Bankiga Horumarinta Afrika, si loo sameeyo hanaan xeerar maaliyadeed iyo kuwo sharciyadeed gacan ka geysan kara sahminta iyo soo saaridda shidaalka. Waxaan waxba ka jirin wararka iminka sheegaya in heshiisyo aan iska geleyno inagoo indha xiran,” Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray.

Waxaa intaas sii dheer in uu jiro dadaal Dowlad goboleedyada lagala hadlayo sidii loo yeelan lahaa aragti mideysan oo ku aadan horumarinta iyo maamulka shidaalka Soomaaliya. La shaqeeynta dowlad Goboleedyada waxay keeneysaa in la helo hanaan lagu qeybsado dakhliga kheyraadka, taas oo lama huraan u ah sameynta nidaam qeybsiga wax-soosaar oo lala yeesho shirakadaha shidaalka.

Dowlada Federaalka wax heshiis wadaaga wax-soosaarka (Production Sharing Agreement) lama gelin shirkad qudha oo shidaal. Hase yeeshee, shirkadaha waa ay u soo gudbisan karaan dalabkooda Dowladda Federaalka.

“Waxaa muhiim ah, weliba dadka Soomaaliyeed, in ay ogaadaan in shirakadaha gaarka loo leeyahay ay iyagu sida ay la tahay wax ugu soo gudbisan karaan Dowlada Federaal. Waan soo dhoweyneynaa dadaalkooka. Balse aan idiin cadeeyo, 100% kheyraadkeena inaga ayuu gacanteena ku jiraa. Go’aanada mustaqbalka waxay noqon doonaan kuwo hufan iyo si mas;uuliyad ku dheehan tahay lagu gaaray islamarkaana ilaalinaya xuquuqda ummadda Soomaliyeed hadda iyo mustaqbalkaba” sidaa ayuu Wasiirka ku soo gaba gabeeyey hadalkiisa.

DHAMAAD.

 

 

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo ku wajahan Cadaado, furitaanka wejiga 2aad ee shirka awgeed

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

October 17, 2025
0

ALi SHiGaL: Qaahira, Masar, 17-ka Oktoobar 2025: Iyada oo lagu guda jiro Todobaadka Shirweynaha Biyaha ee Qaahira (Meertada 8-aad), ayaa...

Muqdisho oo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo lagu taageeraayo xildhibaanada cusub

Muqdisho oo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo lagu taageeraayo xildhibaanada cusub

October 17, 2025
0

Qaar kamid ah Wasiirada XFS iyo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanada Soomaaliya ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho sharaf ah...

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo ku howlan dib u dhiska xeryaha iyo awoodsiinta ciidanka

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo ku howlan dib u dhiska xeryaha iyo awoodsiinta ciidanka

October 17, 2025
0

Maamulka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo gacan ka helaya hey’adaha maalgalinta ee ururkaasi ayaa ku howlan dib u...

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

October 16, 2025
0

By H.E. Bihi Iman Egeh, Minister of Finance, Federal Government of Somalia, and Hideki Matsunaga, Country Manager, World Bank Group,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In