Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Galgaduud oo ka hadlay dagaalka gobolkaas ka dhacay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Galgaduud oo ka hadlay dagaalka gobolkaas ka dhacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isagoo wareysi siinayay Radio Muqdisho gudoomiyaha gobolka Galgaduud mudane Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay gobolkaas degaanoi dhaca  xaduudka uu la wadaago dalka Ethiopia waxaana uu gudoomiyuhu ku baaqay nabad.

Mr Cirfo  ayaa sheegay in dagaaladaas lagu dilay ilaa 52 ruux oo isugu jiray rag iyo haween, halka tuulooyin badana lagu gubay arintaas oo uu ku eedeeyay ciidammadda Liyuu Police ee dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia oo iyagu degaaanadaas kula dagaalamay dad xoolo dhaqato ah .

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

“Dagaaladaas socday lixda maalmood waxaa ku dhintay ilaa 52 ruux oo 11 ay haween ahaayeen inta kalena rag, waxaa ku dhaawacantay afartan ruux, 18 tuulo ayaa la gubay, dad badan oo xoolo dhaqato ayaa barakacay”ayuu yiri Guddoomiye Cirfo oo intaa ku daray in dagaaladaas haatan la xaliyay

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa sheegay in arrintan ay xiriiro badan kala sameeyeen dowladda Ethiopia  iyo saraakiisha ciidammada qeybta ka ah howl galka AMISOM, kadibna uu yimid is fahan. gudoomiyaha ayaa intaa raaciyay in lagu balamay in shirar xal looga gaarayo dagaaladaas lagu kala qaban doono magaalooyinka Dhuusa mareeb iyo Jig jiga isla markaana ay rajo weyn ka qabaan in xalku ka soo bixi doono halkaa inta ka horeysana in aysan dagaalo kale dhicin laga shaqeyn doono.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

War Deg Deg ah:Ciidamada Xoogga Dalka Oo la Wareegay Tooratooroow.

Next Post
Duqii degmada Afgooye oo Miino loo aasay u geeriyooday

War Deg Deg ah:Ciidamada Xoogga Dalka Oo la Wareegay Tooratooroow.

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In