Siminaarkan oo socon doono muddo saddex cisho ah waxaa lagu baran doonaa arrimo ay ka midyihiin badqabka Saxafiga, sida ugu wanaagsan ee ay ku wada shaqeyn karaan hay’adaha amniga, Maxkamadaha iyo Warbaahinta, taasi oo sahleysa xoojinta amniga.
Tababarkan ay si wadajir ah isaga kaashanayaan UNSOM, Sweden, Relief International iyo hay’adaha taageera Warbaahinta Soomaaliya ayaa maanta loo furay qaar ka mid ah wariyaasha ka howl gala magaladda Muqdisho.
Guddoomiyaha kooxda Xiriirka taageerta warbaahinta Soomaaliya mr Jaco Dutait oo ugu horreyn tababarka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in u jeedka tababarka uu yahay in la wada hadalsiiyo laamaha amniga iyo bahda Warbaahinta, si loo helo nidaam ay ku wada shaqeeyaan dhinacyadaasi.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiisa ee xukuumadda Soomaaliya Md. Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo furay tababarka ayaa uga mahadceliyay hay’adaha soo qaban qaabiyay, isagoo xusay Wasiirku tilmaamay in dastuurka dalka uu qeexayo Xorriyadda Saxaafadda, Loona bahan yahay in ay wada shaqayn wanaagsan dhexmarto bahda warbaahinta iyo hay’adda amniga dalka.
“Dowladda Siyaasadeeda waxaa weeye warbaahintaan xoogga leh ee gaarka loo leyahay in ay jirto, inay shaqayso in ay yeelato xirfadda wanaagsan oo ay shaqadeeda u aqoon u lahaato, isla markaana ciidanka ammaanku ay ku tixgaliyaan shaqadoodda oo ay ciidanka ammaanka iyo warbaahintu xorta ee Somaliyeed ay u wada shaqeyaan si waafaqsan sharuucda calamiga ah iyo qaabka ay u wad shaqeyaanka wadama hormaray eel eh warbaahinta horumaray sida ay uwada shaqeyaan ayaan doonaynaa, ee marka sidaa ogtihiin dastuurka soomaliya waxa u damaanad qaadayaan xoriyadda Saxafadda xorta ah “ ayuu yiri Wasiir Maareeye .
Md. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa xusay in 12-ka bishan Muqdisho lagu qaban doono shir muhiim ah oo ay ka soo wada qeyb gali doonaan Wasiirada Warfaafinta Maamul Goboleedyada dhisan, Agaasimeyaasha guud, laguna marti qaado Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya, kaasi oo ay qaban qaabineyso Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, si loo helo wada shaqeyn buuxdo dhexmarta guud ahaan Bahda Warbaahinta Soomaliyeed .