Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaadista imtixaan mid ah oo laga taageeray Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Qaadista imtixaan mid ah oo laga taageeray Gobolka Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay munaasabad lagu soo dhoweynayay go’aanka Wasaaradda ee ah qaadista imtixaanaadka mideysan ee dugsiga sare dalka.

Munaasabadan oo ay  soo qaban qaabiyeen  maamulka gobolka Banaadir,  ururka haweenka Qaranka, kan gobolka oo kaashanaya Wasaaradda waxbarashada ayaa lagu qabtay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, ayadoo ay goob joog ahaayeen Wasiirka waxbarashada iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

January 16, 2026
Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026

Munaasabadan oo lagu daahfuray degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ayaa intii ay socotay fanaaniinta kooxda Iftin ee Wasaaradda waxbarashada waxa ay goobta ku soo bandhigeen suugaan ay ku cabirayeen qiimaha waxbarashada ay u leeyahay bulshada Soomaaliyeed iyo dhibaatada uu leeyahay jahliga.

Amaal Cabdullaahi Axmed  oo kamid aheyd ardayda  wax ka barata iskuulka Al-Basiir oo ay wax ka bartaan dadka araga la’  ayaa  ka codsatay Madaxda Wasaaradda waxbarshada in ay il gaar ah  ku eegaan  dadka araga la’ ayna u sameeyaan goobo ay wax ku bartaan.

Guddoomiyaha degmada Waaberi Axmed Muumin Maxamed  oo ka hadlay goobta ayaa sheegay  in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan imtixaanka mideysan ee ka bilaabanaya dugsiyada sare ee bartamaha iyo koonfurta dalka, ayna ka degmo ahaan ka qeyb qaadanayaan dhankooda.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baar qab   iyo Guddoomiye ku-xigeenka ururka haweenka Qaranka  Canab Xasan Cilmi oo ka hadlay munaasabada ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay munaasabada lagu daahfurayo taageeridda imtixaanka mideysan ee ka bilaabanaya  dugsiyada sare ee dalka.

Gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir Cabdicasiis  Cilmi Cali ayaa sheegay maamulka gobolka Banaadir  uu garab taaganyahay howlaha lagu dar dargelinayo in imtixaan mideysan laga qaado ardayda dugsida sare ee gobollada dalka.

Wasiirka  waxbarashada, Hidaha  iyo Tacliinta sare   Qadro Bashiir Cali  oo gabagabadii munaasabada ka hadashay ayaa sheegtay in ay wax weyn ka qaban doonto mideynta manhajka waxbarashada Soomaaliya,  isla markaana ay ka shaqeyn doonto sidii ubadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarsho lacag la’aan ah, taasi oo ay ka faa’iideysanayaan carruurta aan waalidiintooda awoodin inay geeyaan xarumaha waxbarashad ee sida gaarka ah loo leeyahay.

DSCN3440  DSCN3450 DSCN3455 DSCN3460 DSCN3465 DSCN3468 DSCN3473 DSCN3475 DSCN3476 DSCN3479 

 DSCN3483 DSCN3484 DSCN3488 DSCN3516

Sawir Qaade:- Muuse Cismaan Abtow

Previous Post

Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay bilowga wejiga labaad e shirka Cadaado ka socda

Next Post

Dhaqaatiir balan qaaday inay adeegyo caafimaad u fidinayaan muwaadiniinta Yemen ka imaaneysa

Next Post
Kenya oo markale bilaabaysa dib u soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Xeryaha Dhadhaab ku jira

Dhaqaatiir balan qaaday inay adeegyo caafimaad u fidinayaan muwaadiniinta Yemen ka imaaneysa

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

January 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa Magaalada Laascaanoon kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed...

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In