Guddoomiyaha Jaamacadda Plasma Dr Xasan Maxamed Xasan (Xasan Kaafi) oo ka qeyb galay shirka Midowga Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Qaaradda Afrika oo lagu qabtay magaalada Kigali ee xarunta Dalka Rwanda ayaaย sheegay in shirka la isku raacay sidii ardayda wax ka barata Qaaraddan loogu ogolaan lahaa inay waxbarashadooda ku dhameysan karaan meelkasta oo ka mid ha Qaaradda Afrika.
Dr Xasan Maxamed Xasan (Xasan Kaafi) oo la hadlaya Radio Muqdisho isaga oo ku sugan dalka Rwanda ayaa xusay in shirka sidoo kale lagu casuumay wakiilo ka kala socday Midowga Jaamacadaha Qaaradaha Aasiya, Mareykanka iyo Yurub, si loo fahamsiiyo horumarka waxbarasho ee ka jirta Qaaradda Afrika.
โShirka dhanka Soomaaliya, aniga oo ka socda Jaamacadda Plasma ayaa ku mataleyay, runtii halkaasi waxaan ka sheegay horumarka waxbarasho ee dalka jirta, sida hayโadaha waxbarashada hoose iyo kuwa sare ay horumar uga gaareen dhanka Waxbarashada, lana tixgeliyo arday kasta oo ka yimaada Soomaaliya, laguna qiimeeyo aqoontiisa, si uu waxbarashadiisa uga dhameysan karo meelkasta oo ka mid ha Qaaradda Afrikaโ ayuu yiir Dr Xasan Maxamed Xasan.
Guddoomiyaha Jaamacadda Plasma ayaa xusay in guddi loo saaray hayโadaha shisheeye ee ka been abuuraya waxbarashada ka jirta Qaaradda Afrika, ardayda Afrika wax ka barata ay waxbarasho u aadi karaan Qaaradaha kale ee dunida, iyadoo aan lagu xireynin sharuudo adag.