RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah magaalada Oslo ee dalka Norway kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda, Mudane Adonia Ayebare, kulanka ayaana dhacay intii lagu guda jiray Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Waddamada Waqooyiga Yurub iyo Afrika.
Dowladda Uganda waxay qayb muhiim ah ka tahay Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo si dhow ula shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo dadaallada xasillinta iyo amniga dalka.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda, iyo doorka muhiimka ah ee dowladda Uganda ay ka qaadato taageeridda nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Soomaaliya waxay qadarineysaa kaalinta Uganda ee taageeridda nabadda gobolka, waxayna mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga wanaagsan ee horseedaya nabadda, amniga iyo xasillooni ka hirgasha gobolka.











