Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Waddamada Waqooyiga Yurub iyo Afrika oo ka dhacay magaalada Oslo ee dalka Norway.
Ka qaybgalka Dowladda Soomaaliyeed ee shirka ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, horumarinta iskaashiyada istaraatiijiga ah iyo ka shaqaynta mudnaanta iyo danaha ay wadaagaan dalalka caalamka.











