Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway kaga qeyb galay kulamo diblomaasiyadeed oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Norway iyo Sweden.
Kulamada oo ay si gaar gaar ah uga qeyb galeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Espen Barth Eide, Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah, Åsmund Aukrust, iyo mas’uul ka socday dowladda Sweden, Johan Berggren. Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa kulamada ku soo bandhigay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, saameynta hoos u dhaca taageerada caalamiga ah ku yeeshay howlaha gargaarka, iyo khataraha ka dhalan kara saadaasha El Niño. Waxa uu ugu baaqay saaxiibbada caalamka inay kordhiyaan taageerada dadaallada ka hortagga iyo u-diyaargarowga musiibooyinka.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu adkeeyay muhiimadda maalgelinta kaabayaasha u adkeysiga musiibooyinka, gaar ahaan dhismaha iyo dayactirka kaydadka biyaha iyo xoojinta difaacyada fatahaadaha ee hareeraha wabiyada.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo dhisidda awoodda hay’adaha maareynta musiibooyinka ee heer federaal, dowlad-goboleed iyo degmo.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahadceliyay dowladaha Norway iyo Sweden taageerada iyo garab-istaagga ay u muujiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay in la sii xoojiyo iskaashiga wax ka qabashada baahiyaha bani’aadannimo iyo yareynta khataraha musiibooyinka.











