Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga, oo uu ka socdo Shirweynaha 31-aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31), kulan kula yeeshay Ms. Carol Chouchani Cherfane, Agaasimaha Xarunta Carabta ee Siyaasadda Isbeddelka Cimilada, ahna Hoggaamiyaha Kooxda Isbeddelka Cimilada iyo Ilaalinta Khayraadka Dabiiciga ah ee UNESCWA.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada hay’adood, gaar ahaan horumarinta adeegyada digniinaha hore, wadaagista xogaha cimilada, kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Hay’adda SoDMA, iyo diyaarinta qorshe mideysan oo lagaga hortagayo saameynta isbeddelka cimilada, sida abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda ee dalka.
Ugu danbeyn Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay UNESCWA iyo hay’adaha Qaramada Midoobay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada maareynta khataraha musiibooyinka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.











