Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kaga qeybgalaya dalka Talyaaniga Shir ku saabsan horumarinta .

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Shiinaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Khaled Omar Ali ayaa kaga qeybgalay maanta Magaalada Milan ee dalka Talyaaniga Shirka Qaramada Midoobey ee dowladaha horumarkoodu hooseeyo (LDCs) ee ku yaala Saxaraha weyn ee Africa oo ay martigelineyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga , iyadoo ay maal-gelinayaan hey’adda horumarinta Iskaashiga u qaabilsan Talyaaniga iyo Xafiiska Wakiilka sare ee Q.M ee dowladaha horumarkoodu hooseeyo ( UN-OHRLLS).

Shirkani oo ah heer Wasiir , ku tala-galkiisuna yahay inuu socdo maalmaha (June 8-10), ayaa huwan hindisaha EXPO Milan 2015 oo diiradda saaraya cunnada iyo tamarta, waxa uu sidoo kale ku soo beegmayaa xilli bishii December , sanadkii hore 2014 lagu qabtay Magaalada Kathmandu ee dalka Nepal kulan heer Wasiir ah oo dowladaha horumarkoodu hooseeyo ee ku yaala Asia- Pacific .

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo shir-gudoomin doona qeybta shanaad (session 5) ee Shirka, kulan hordhac ahna la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga H.E. Paolo Gentiloni , ayaa madasha shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay Xaaladda Soomaaliya iyo hanaanka nabad-gelyo iyo horumar ee dalka .

H.E. Khaled Omar Ali ayaa xusay in Soomaalida maanta ay ka duwantahay Soomaalidii shalay, waxa uu yiri “ Xukuumadda Federaalka oo kaashaneysa shacabkeeda waxa ay horumar balaaran ka sameysay la dagaallanka argagixisada iyo xasilinta dalka”.

Waxa uu intaa sii raaciyay “ dalkeygu waxa uu leeyahay kheyraad badan oo dabiici ah, sidaas darteed waxaan ku dhiirigelinayaa dowladaha, hay,adaha caalamiga , Shirkadaha iyo ganacsatada Taliyaaniga in ay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya”.

Waxa uu sidoo kale rajo badan ka muujiyey in ay Soomaaliya xilli dhow guul ka gaari doonto ujeeddooyinka horumarka ee Kunka (MDGs) , kana bixi doonto dowladaha heerkooda hormarineed uu hooseeyo ( LDC category), iyadoo Soomaaliya ay ku faaneyso firfircoonida , awoodda iyo hal-abuurka ganacsatada Soomaaliyeed oo ka sareeya dhiggooda shisheeye .

Waxaa la qorsheeyay in mudada shirka uu ka socdo Magaalada Milan, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu la kulmi doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Talyaaniga , Wakiilo ka tirsan Qaramada Midoobey iyo Wakiilada qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ee lagu cazuumay ka qeybgalka shirka.

Previous Post

Shirka Baarlamaanka Carabta oo ka furmaya Qaahira

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo Cadaado ku sii jeeda

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Faah Faahin Ka Siiyay Waxqabadka Wasaaradda Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka

Wasiirka arrimaha gudaha oo Cadaado ku sii jeeda

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In