Tuesday, March 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Markabkii dowladdu dirtay oo Qaxooti Soomaaliyeed galabta ka soo qaaday dekedda Mukalla

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Markabkii dowladdu dirtay oo Qaxooti Soomaaliyeed galabta ka soo qaaday dekedda Mukalla
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Markab sida qaxooti Soomaaliyeed oo ku go’doonsanaa dalka Yemen ayaa galabta ka soo dhaqaaqay dekedda magaalada Mukalla ee isla dalkaasi Yemen.

Qunsulka guud ee Caden Axmed Cabdi Xasan “Sudani”oo isagu ka mid ah dadka saaran Markabka ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in markabkaasi uu galabta ka soo shiraacday dekedda Mukalla, isagoo intaa ku daray in qiyaastii muddo 26 saacadood ah uu ku soo gaari doono dekedda magaalada Boosaaso.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026

Sudani ayaa xusay in qaxootiga markabka saaran ay gaarayaan ilaa Laba Kun kuwaasoo uu tilmaamay iney u badanyihiin dadka jilicsan sida dumarka, caruurta iyo dadka da’da ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markabkan dhawaan ka dirtay dekedda magaalada Muqdisho si uu usoo qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen.

Markabkan waxaa  ku deeqay islamarkaana dowladda ku wareejiyay ganacsade Soomaaliyeed si loogu soo daadgureeyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalkaasi.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee dowladda iyo guddiga samatabixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ay ugu jiraan sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed dhamaan looga soo badbaadin lahaa dagaallada ka oogan dalka Yemen.

 

Previous Post

Gudoomiyaha cusub ee degmada Waaberi oo manta xilka la wareegtay

Next Post

Mas’uuliyiin ka qeybgashay xaflad lagu soo xirayay sanad dugsiyeedka dugsiga sare ee Badda “Sawirro”

Next Post
Mas’uuliyiin ka qeybgashay xaflad lagu soo xirayay sanad dugsiyeedka dugsiga sare ee Badda “Sawirro”

Mas'uuliyiin ka qeybgashay xaflad lagu soo xirayay sanad dugsiyeedka dugsiga sare ee Badda "Sawirro"

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Dhaxal-sugaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwayt...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo howlgal qorsheysan ku dilay Horjooge ka tirsan Khawaarijta

March 2, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo 125 Booyadood oo Biyo ah Ku Wareejiyay Guddiga Gurmad Abaaraha Degmada Wisil

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo 125 Booyadood oo Biyo ah Ku Wareejiyay Guddiga Gurmad Abaaraha Degmada Wisil

March 2, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Galmudug, ayaa maalintii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In