Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka qeyb galay munaasabad ku saabsan soo nooleynta dhaqanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka qeyb galay munaasabad ku saabsan soo nooleynta dhaqanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa ka qeyb galay munaasad ku saabsan soo nooleynta dhaqanka oo lagu qabtay xarunta Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Munaasadda ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka Gobolka Iimaan Nuur Iikar, Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir iyo dadweyne aad u fara badan, iyadoo goobta lagu soo bamdhigay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026

Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in xarunta Degmada ay marti geliso xaflad ku saabsan soo nooleynta dhaqanka, isagoo intaa ku daray inay sii joogteyn doonaan munaasabadaha nuucaani oo kale ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in Wasaaraddu ay xoogga saareyso soo nooleynta dhaqanka oo uu ku tilmaamay in ay qeyb weyn ka qaadan karto isdhexgalka bulshada iyo nabadda, waxaana uu Maamulka Degmada uga mahadceliyay sida ay u soo qaban qaabiyeen xafladda.

Sidoo kale xaflad tan la mid ah oo lagu weyneynayay soo nooleynta dhaqanka ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb galeen ardayda Jaamacadaha iyo dugsiyada Gobolka Banaadir qaarkood, Ururrada dhallinyarada degmooyinka gobolka, Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, taasi oo hal ku dhigu ahaa soo nooleynta dhaqanka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo isna hadal ka jeediyay xafladda ayaa ka mahadceliyay sida bulshada ay uga g’antaha inay ka qeyb qaataan dib u soo nooleynta dhaqanka Soomaaliyeed.

DSC01834 DSC01830 DSC01831 DSC01832 DSC01834 DSC01842 DSC01843 DSC01846 DSC01849 DSC01850 DSC01851 DSC01853 DSC01856 DSC01861 DSC01862 DSC01870 DSC01875 DSC01879 DSC01885 DSC01887 DSC01893 DSC01895 DSC01901 DSC01902 DSC01906 DSC01911 DSC01915 DSC01922 DSC01923 DSC01926 DSC01932 DSC01936  DSC01945 DSC01951 DSC01953 DSC01954 DSC01955 DSC01956 DSC01957Sawir Qaade:- Cabdullaahi Muxudiin Codka

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda oo ka qeybgalay daahfurka daraasadda sare Jaamacadda Al-Hilaal “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS ayaa maanta xarigga ka jaraya wadada laamiga ah ee xiriirisa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, taas oo maamulka...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Maputo):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta ciyaaray kulan muhiim ah oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca...

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In