Wednesday, July 30, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka qeyb galay munaasabad ku saabsan soo nooleynta dhaqanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 15, 2015
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka qeyb galay munaasabad ku saabsan soo nooleynta dhaqanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa ka qeyb galay munaasad ku saabsan soo nooleynta dhaqanka oo lagu qabtay xarunta Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Munaasadda ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka Gobolka Iimaan Nuur Iikar, Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir iyo dadweyne aad u fara badan, iyadoo goobta lagu soo bamdhigay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka.

Related posts

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo safar shaqo ku jooga Shiinaha

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo safar shaqo ku jooga Shiinaha

July 30, 2025
Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?

Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?

July 30, 2025

Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in xarunta Degmada ay marti geliso xaflad ku saabsan soo nooleynta dhaqanka, isagoo intaa ku daray inay sii joogteyn doonaan munaasabadaha nuucaani oo kale ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in Wasaaraddu ay xoogga saareyso soo nooleynta dhaqanka oo uu ku tilmaamay in ay qeyb weyn ka qaadan karto isdhexgalka bulshada iyo nabadda, waxaana uu Maamulka Degmada uga mahadceliyay sida ay u soo qaban qaabiyeen xafladda.

Sidoo kale xaflad tan la mid ah oo lagu weyneynayay soo nooleynta dhaqanka ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb galeen ardayda Jaamacadaha iyo dugsiyada Gobolka Banaadir qaarkood, Ururrada dhallinyarada degmooyinka gobolka, Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, taasi oo hal ku dhigu ahaa soo nooleynta dhaqanka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo isna hadal ka jeediyay xafladda ayaa ka mahadceliyay sida bulshada ay uga g’antaha inay ka qeyb qaataan dib u soo nooleynta dhaqanka Soomaaliyeed.

DSC01834 DSC01830 DSC01831 DSC01832 DSC01834 DSC01842 DSC01843 DSC01846 DSC01849 DSC01850 DSC01851 DSC01853 DSC01856 DSC01861 DSC01862 DSC01870 DSC01875 DSC01879 DSC01885 DSC01887 DSC01893 DSC01895 DSC01901 DSC01902 DSC01906 DSC01911 DSC01915 DSC01922 DSC01923 DSC01926 DSC01932 DSC01936  DSC01945 DSC01951 DSC01953 DSC01954 DSC01955 DSC01956 DSC01957Sawir Qaade:- Cabdullaahi Muxudiin Codka

 

 

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda oo ka qeybgalay daahfurka daraasadda sare Jaamacadda Al-Hilaal “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo safar shaqo ku jooga Shiinaha

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo safar shaqo ku jooga Shiinaha

July 30, 2025
0

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan dalka Shiinaha, ayaa maanta ka qayb galay tababar Aqoon...

Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?

Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?

July 30, 2025
0

Eray bixinta lagu cabbiro xasaradaha Geeska Afrika ayaa is beddeleysa. Muddo tobannaan sano ah, waxaa lagu sifeeyay siyaasad iyo colaado....

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho iyo salaan sharafeed ugu tagay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho iyo salaan sharafeed ugu tagay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi

July 30, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa xalay booqasho iyo salaan sharafeed ugu tagay Sheekh...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay iskaashi dhexmaraya Save the Children iyo Shirkadda Hormuud

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay iskaashi dhexmaraya Save the Children iyo Shirkadda Hormuud

July 29, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa kaga qeybgalay munaasabadda saxiixa iskaashi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In