Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee SoDMA ayaa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ka Baxisay Agabka aan cunnada aheyn (NFIs ) oo ay qeyb ka yahiin Bacaha roobka, maro-kaneecooyin iyo agabyo kale oo muhiim u ah Qoysaska barakacayaasha ah iyo kuwa nugul, si loo daboolo baahiyahooda aasaasiga ah.
Goobta lagu qeybinayay gargaarkaan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Beledweyne Cumar Calasow iyo masuuliyiin ka tirsan SoDMA.











