Munaasabadan oo lagu maamusaayey dabaal dega todobaadka dhaqanka iyo farshaxanka qayb ka ah Barnaamijka soo nooleynta dhaqanka ayaa lagu qabtay magaaladda Muqdisho.
Dabaaldegaan ayaa lagu soo bandhigay guud ahaan Agabka dhaqanka iyo hidaha ee Bulshada Soomaaliyeed ay caanku tahay,waxaana bandhiga qaybka ahaa qaar ka mida dalagyada kala duwan ee ay soomaaliya lagu yaqaano,buugaag kala duduwan oo ay qoreen qorayaal soomaaliyeed iyadoo Mas’uuliyiintii iyo dadweynihii ka qaybgalay ay si wada jir ah loogu cunteeye Cuntada ay Soomaalidu caanka ku tahay sida Canbuulada,Bun iyo Caano.
Gudoomiyaha Gudiga dib u eegista dastuurka ahna madaxa macadka dhaqanka ee bariga africa Prof Afrax ayaa sharaxaad ka bixiyeey dhaqanka iyo hidaha Soomaaliya sida ugu fudud ee loogu soo nooleyn karo
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md Maxamed C/llahi Xasan NUUX oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in maanta dhalinta Soomaaliyeed ay heeleen fursad ay ugu faa’iideysan karaan in wax ka bartaan dhaqanka iyo hidahooda.
“waxaan aad ugu faraxsanahay bandhigaan ay soo qabanqaabisay wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska kaa oo lagu bandhigaayey dhaqanka iyo hidaha een isla markaasna wax lagu baraayo dhalinta ama jiilka soo korayo oo aan wax badan kala socon dhaqankooda ee hidahooda waana ku mahadsan tahay wasaaradda Warfaafinta oo soo qabanqaabisey”
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Md Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegey in ay wasaaradu go,aansatay barnaamijka soo nooleynta dhaqanka,farshaxan iyo ciyaaraha waana mida keentay in la qabto Dabaalgeda Todobaadka dhaqanka.
“Xafladaan qiimaha leh quruxda leh ee soo qababanqaabisey wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo lagu soo nooleynaayo dhaqanka soomaaliyeed ee wadajirka iyo isdhexgalka iyo is jacaylkii iyo nabaddii soomaaliya lagu soo bandhigay buugaag ka hadleysa dhaqanka oo afsoomaaliya ku qoran lagu soo bandhigay qudaartii iyo nimcada dadka soomaaliyeed uu lee yahay
Ugu danbeyntii Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Barlamaanka Soomaali Md Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari ayaa sharaxaad ka bixiyey ujedka iyo macna ahaan dhaqan iyo hide isla markasna tilmaamay umad kastaa waxa ay ku faani karto iney tahay soo jirenkeeda taariikheed ayna kaga duwan tahay bulshooyinka kale.
“hide iyo dhaqan marka laga hadlaayo ayaa in la qeexo hide muxuu yahay dhaqan muxuu yahay o oaf soomaali ahaan maxaa loola jeedaa hide waa dhaqan fac weyn oo waa abuurmay iyo mid laga dhaxlay la ibaabay oo taarikhdu sheegeyso waa hidaha,hidaha wuxuu ka weyn dhaqanka hidaha ayaa weyn”
Dabaaldega Todobaadka dhaqanka,farshaxanka iyo ciyaaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ma,uuliyiin ka kala socotay goloyaasha dawladda iyo dadweyne kala socday qaybha bulshada ee gobolka banaadir ayaa qayb ka ahaa barnaamijka soonooleynta dhaqank iyo farshaxanka oo biihii ugu danbeeyey ka kala socday gobolka banaadir,shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe.