Wasiirka dhalinyarda iyo Isbortiga Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux iyo wafdi uu hogaminayao ayaaka qayb galay ciyaaro orad ah oo lagu gu xusayay maalinta ka hortagaga guddniinka Fircoonigaoo ka dhacay garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Ciyaarahan oo soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga dalka oo kaashnaya xiriirka soomaaliyeed ee ciyaaraha Fudud ayaa lagu tartamaday orada kala ah 800 Mtr Wiilal iyo gabdho,iyo 5000 Mitr waxaana ka qayb qaatay in kabdan 50 ciyaarahan oo ka yimid naadiga iyo iskuulada dalka.
Orodka 800 Mitr Wiilasha waxaa ku guulaystay Cabdisalaan Maxamed Axmed ,800 gabdhaha waxaa ku guulaystay Maryan Nuux Muuse, halka orodka 500 uu ku guulaystay Cali iidoow oo si awoodi kujirto uga hormaray ciyaartoydila loolamaysay
Marki ay ciyaaraha soo idladdde waxaa saxaafada garoonka kula hadashay MarwoKhadiijo Aadan Daahir oo ah kusimaha Xiriirka Soomaliyeed ee ciyaaraha Fudud,waxayna sheegtay in ay ka xiriir ah ka qayb qaateen munaasadab lagu wacyi gelinayohaweennka soomaaliyeed laguna badbaadinayo gabdhaha Soomaaliyeed , Marwo Khadiijo ayaa intaa ku dartay in ay dhanka kale muhiimad gaar ah ay u tahay ciyaartoyda da’yarta ee rajada wanaagsan ka leh ciyaaraha.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Wasiirka wasaarada dhalinayrada iyo isboortiga Maxamed Cabdullahi Xasan ( Nuux ) waxuuna sheegay Munaasabada tartankan ay tahay mid mudnaan lagu siinayo ilaalinta xuquuqda haweenkaloogana hortagayo dhibaataynta haweenka.
Wasiir Nuux ayaa intaa ku daray in ciyaarah Fududuay tariikh wanaagsan ku leeyihiin isboortiga dalka xiligan ay joogaan ciyaartoyda da’yar oo horumar sameyn karta wasaradiisuna ay garab istaagi doonto .