Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta soo saaray amar dib loogu furayo 13 xawaaladood oo ay dowladiisa xirtay labo bilood ka hor,ka dib markii lagu eedeeyay in ay lacag siiyaan kooxaha argagixisada.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada dalka Kenya ayaa madaxweyne Uhuru waxa uu ku amray Bangiga dhexe ee dalka in uu ku soo saaro sharciyo ilaalinayo qaabka ay u shaqeeyaan xawaaladaha.
Xawaaladaha xirnaa ayaa waxa ay kala ahayeen Dahabshiil Money Transfer Ltd, UAE Exchange Money Transfer Ltd, Kendy Money Transfer, Amal Express, Tawakal Money Transfer, Kaah Express. Jubba Express, Iftiin Express, Hodan Global, Amana Money Transfer, Bakaal Express, Continental Money Transfer iyo Flex Money Transfer.
Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay in go’aankan dib loogu furayo xawaaladaha uu qaatay ka dib markii warbixin laga siiyay horumarka laga sameeyay baaritaanka socda ee ku aadan dhaqalaaha la siiyo argagixisada iyo in uu helay codsi ah in xayiraada laga qaado xawaaladaha.
Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay in aysan cabsi galin doono waxyaabaha ay sameeynayaan kooxda Al-shabaab.
Hadalka ka soo baxay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ee ah in la qaadayo xayiraadihii saarnaa xawaaladaha soomaalida ayaa waxaa soo dhaweeyay ururka ay ku mideysanyihiin xawaaladaha Soomaalida iyo xiriirka xawaaladaha dalka Kenya (KFRA).
“Waan ku faraxsanahay talaabada uu qaaday madaxweynaha iyo dowlada Kenya,taasi oo noo ogolaaneysa in aan sii wadno howlaheena,Waan u hamuun qabnaa in aan dib u bilowno howlaheenii oo aan lacagaha u kala gudbino dalka gudaha dalka joogo iyo qurba-joogta ,” Ayuu yiri Madaxa KFRA Anthony Wachira.
“Waxaan diyaar u nahay in aan dowlada kala shaqeyno xoojinta sharciyo ilaalinayo howlaheena.Waxaan sidoo kale diyaar u nahay in dowr muuqada ka ciyaarno kor u qaadista dhaqaalaha dalka,Waligeen ma maal galin mana maal galin doono aragaxiso ama danbi” Ayuu sii raaciyay Madaxa KFRA Anthony Wachira.
Xawaadaha Soomaalida ee dalka Kenya ayaa la xiray 9-kii bishii April,ka dib markii ay kooxda Al-shabaab weerareen Jaamacada Garissa,taasioo ay ku dileen 148-qof oo u badnaa ardadii wax ka baraneysay Jaamacadda.