Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha Diinta SoomaaliyaMudane Cabdulqaadir Sh. Cali Ibraahim (Baqdaadi) oo safar shaqo ku tagay dalka Masar ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay isagoo faah faahin ka bixiyay natiijada safarkiisa.
Wasiirka oo warbaahinta qaranka kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in dalka Masar uu kulamo kala duwan kula soo qaatay Dhiggiisa dalkaasi iyo Muftiga Jaamacatul Azhar Dr. Axmed Al Dayib.
Mudane Cabdulqaadir Sh. Cali Ibraahim (Baqdaadi) ayaa xusay in kulankii ugu horreeyey la aqatay muftiga Jamaacatul Al- azhar Dr. Axmed Al dayib isagoo sheegay in uu kala hadlay adkaynta xariirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaliya iyo jamacaddaas iyo sidii ay gacan uga gaysan lahaydTayeynta iyo tababarradda Culumadda Soomaliyeed iyo fursado waxbarasho oo ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed.
Wasiir Baqdaadi ayaa sidoo kale kulan ku layeeshay dhiggiisa wadanka Masar Maxamed Mukhtar Jumcah, iyagoo ka wada hadalay iskaashi dhexmara labadda wasaradood sida uu warbaahinta qaranka u sheegay wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaliya.
Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta SoomaaliyaMudane Cabdulqaadir Sh. Cali Ibraahim (Baqdaadi) oo ka hadlay Fikirka qaldan Maleeshiyaadka Al-shabab ay ku cabsi galinayan shacabka Soomaliyeed ee ah in ay daadinayaan dhiiggooda bisha barakaysan ee Ramadan ayaa timaamay in uu yahay mid an ku salaysnayn diinta subban ee islaamka.