Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha Degmada Shibis oo laga reebay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka (Dhageyso)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Baydhabo oo caawa u soo gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartamayaasha Degmooyinka Shibis Vs Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobolada Benaadir iyo Mudug ayaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee SNTV iyo Radio Muqdisho, iyagoo muujiyay tartan aad u xiiso badan oo ku dheehan aqoon.

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka oo sanadkan uu taaba gelineyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhex maray tartamayaasha Degmooyinka Shibis Vs Gaalkacyo, iyadoo tartamayaasha labada Degmo ay madasha tartanka ku soo bandhigeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday, waxaana ay sidoo kale ka sheekeeyeen taariikhda degmo waliba iyo waxyaabaha ay caanka ku tahay.

Natiijada tartankii quruxda badnaa ee dhexmaray tartamayaasha Degmooyinka Shibis Vs Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Mudug ee caawa waxey noqotay sidan:-

Shibis

Tartamayaasha Degmada Shibis sida xeerka Barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo su’aallood, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal oo ka mid ahayd Todobadii su’aal ee la waydiiyay, Waxayna si ka faa’iideysi ah u heleen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Gaalkacyo, waxaana taasi ka dhigeysaa in ay heleen tartamaayasha Degmada Shibis 10 dhibcood (Toban dhibcood).

Gaalkacyo

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aallood, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal oo waxa ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah ay heleen Labo su’aal oo ay haleeli waayeen tartamayaasha Degmada Shibis waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Gaalkacyo ay heleen noqoneysaa 12 dhibcood (Labo iyo Toban dhibcood).

Hadaba Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka, waxaana habeen dambe is arki doono degmooyinka Howl-wadaag iyo Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Qeybta koowaad ee Tartanka

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/06/Qeybta-Koowaad-ee-Tartankii-caawa-19-06-2015.mp3

Qeybta Labaad ee Tartanka

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/06/Qeybta-Labaad-ee-tartankii-caawa-19-06-2015-2.mp3

 

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in siyaasadda dalka laga qayb galinayo Shacabka

Next Post
Madaxweynaha oo Tacsi u direy Shacabka Sacuudiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in siyaasadda dalka laga qayb galinayo Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In