Sunday, June 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo kulan sagootin ah la qaatey Philippe Lazzarini oo ka tirsan Qaramada Midoobay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo kulan sagootin ah la qaatey Philippe Lazzarini oo ka tirsan Qaramada Midoobay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 23 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan sagootin ah xarunta madaxtooyada kula yeeshay Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Philippe Lazzarini, oo waqtigii uu ka hawlgalayey dalka uu dhammaadey.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Mr Lazzarini hawshii wanaagsaneyd ee uu ka fuliyey Soomaaliya iyo sida uu mar walba beesha caalamka sida saxda ah ugu tebinayey xaaladaha iyo baahida ay qabaan shacabka.

Related posts

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

June 13, 2026
Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Tuulada Cayaaraha

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Tuulada Cayaaraha

June 13, 2026

“Aad baan kaaga mahadnaqayaa inaad khibraddaada iyo shaqadaada wanaagsan u hurto Soomaaliya. Wax badan way inoo qabsoomeen, balse waxan haatan beesha caalamka ka dalbaneynaa inay horumariyaan kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwaas oo gacan weyn ka geysan kara in dadku isku filnaansho gaaraan, kana maarmaan kaalmada’’.

Mr. Lazzarini, oo sidoo kale ahaa Xiriiriyaha Kaalmada Bani’aadannimo ee Soomaaliya, ayaa isna ka mahadceliyey wadashaqeynta loo muujiyey muddadii uu dalka joogay.

‘’Waxay ii ahayd sharaf weyn inaan Soomaaliya ka hawlgalo, iskaashi wanaagsan ayaana la ii muujiyey. Waxan qirayaa in Soomaaliya ay horumar wanaagsan ku talaabsatey, anigoo raejynayaa in horumarkaasi sii socdo. Waxa kale oo aan beesha caalamka ugu baaqayaa inay Soomaaliya ka haqabtirto baahiyadeeda si mar kale uu dalku cagahiisa isu taago’’.

Kulankaasi ayaa waxaa kale oo looga hadley mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, horumarka dhismaha maamullada gobollada, Hiigsiga 2016 iyo hawlaha kale ee la xiriira dowlad dhisidda iyo nabadda.

Gabagabadii kulanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu haddiyad guddoonsiiyey Mr Lazzarini.

Mr Lazzarini ayaa la filayaa inuu dhowaan ka hawlgalo dalka Lubnaan halkaas oo uu ka noqon doono Xiriiriyaha Kaalmada Aadminimo ee Qaramada Midoobay.

-DHAMMAAD- 

1 2 3 4 5 6 7

Previous Post

Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow Oo Deeq Lacageed Siiyey Abwaan Ku Xanuunsan Cadaado “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Boosaaso oo u soo gudbay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka “Dhageyso”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Boondheere oo u soo gudbay wareegga labaad ee Tartan Cilmiyeedka “Dhageyso”

Tartamayaasha Degmada Boosaaso oo u soo gudbay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka "Dhageyso"

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

June 13, 2026
0

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Cali Maxamed Cumar Cali Balcad, ayaa maanta qaabilay wefdi ka...

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Tuulada Cayaaraha

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Tuulada Cayaaraha

June 13, 2026
0

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ayaa galabta kormeeray Tuulada Cayaaraha Dalka ee Stadio Muqdisho oo ka mid...

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay shir amni oo lagu...

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta sameynaya taariikh cusub, maadaama ay markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In