Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax ayaa howlo kormeer ah ku tegayΒ Goobaha ay ka socdaan Dhismaha Xarumaha Danta Guud ee magaalada Beledweyne, iyadoo uu socdaalkaasi ku wehliyayΒ Duqa magalada Beledweyne.
Guddoomiyaha iyo xubnihii la socday waxa ay warbixinno ka dhageysteen howlwadeenada xarumahaasi ku howlan iyo halka ay u marayaan howlaha dhismaha, maadaama ay yihiin mashaariic ku aadan dib u howlgelinta xarumihiiΒ danta guud eeΒ ku bur buray dagaalladii dalka ka dhacay.






















