Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay dhismaha Baarlamanka cusub ee maamulka Galmudug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo mar kale ku boorriyey xukuumadda xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka Jubba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 24 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka maamulka cusub ee loo sameynayo gobollada dhexe, kaas oo lagu dhaariyey magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha baarlamankan cusub ay ka tarjumeyso horumarka laga sameynayo dhinaca hirgelinta nidaamka federaalka ee uu waddanku qaatey.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026

“Shacabka gobollada dhexe waa cusub ayaa u baryey, shaqo badan ayaana sugeysa. Dhismaha baarlamanka waa bilowga dhismaha maamul buuxa oo degaanadaasi ay yeeshaan mustaqbalka. Waxaan shacabka gobolladaasi u sheegayaa inay ka faa’ideystaan fursadda ay heystaan oo ah inay rabitaankooda ku soo doortaan cidda ay doonayaan inay hoggaamiso, iyadoo Dowladda Federaalkana ay diyaar u tahay in cid kasta oo la soo doortaa ay la shaqeyso’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhisan tahay dib u heshiisiin iyo nabadeyn, isla markaana aaney marnaba dowladda taageeri doonin maamul carqalad gelinaya amniga maamul kale oo dalka ka jira.

-DHAMMAAD-

 

Previous Post

Wasaaradda arrimaha gudaha oo raashin ka qaybisay Xamar jajab iyo Waabari {SAWIRRO}

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

April 14, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington DC oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In