Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Garoowe Vs Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Nugaal iyo Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar suโaal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Garoowe iyo Boosaaso,ย iyo sidoo kale waxyaabaha ay caanka ku yihiin oo ay ku cabireen hab suugeed.
Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Garoowe iyo Yaaqshiid waxey noqotay sidan:-
Garoowe
Tartamayaasha Degmada Garoowe sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Suโaal, waxaana suโaallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Saddex suโaal oo waxa ay iska qaldeen Afar suโaal,ย ma jirin wax ka faaโiideysi ah oo ay heleen, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Garoowe ay heleen noqoneysaa 6 dhibcood (Lix dhibcood).
Yaaqshiid
Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Suโaal,ย suโaallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Afar suโaal, ย halka ay iska qaldeen Saddex suโaal,ย Waxa ay ka faaโiideysi u heleen Labo suโaal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Garoowe, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Yaaqshiid ka dhigeysaa inay heleen 12 dhibcood (Labo iyo Toban dhibcood).
Hadaba kulankii 9aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenka Tobnaad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Hodan iyo Jowhar oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe.
Halkan ka dhageyso
Qeybta Koowaad ee Tartanka
Qeybta Labaad ee Tartanka