Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka X.D.S Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Ku Timid Mrxuum C/qaadir Xaaji Maxamed “masalle”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 26, 2015
in Wararka
0
Taliska Ciidanka X.D.S Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Ku Timid Mrxuum C/qaadir Xaaji Maxamed “masalle”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe,Abaanduulaha CXDS Gen C/risaaq Khaliif Cilmi,Abaanduulaha Taakulada Ciidamada C/qaadir Macalin Nuur, iyo Dhamaan Saraakiisha,Saraakiil xigeenada,Alifleyda,iyo Dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah tacsi ugu direy qoyska, ehellada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum  Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle oo ka mid ahaa Saraakiisha dowladdii hore ee golihii sare kacaanka.

Sareeya Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa tilmaamay marxuumku in uu ahaa muwaadin jecel horrumarka iyo nabadda Soomaaliya, islamarkaana ahaa shakhsi jecel in Soomaaliya ay dib gacmaheeda isu taagto, sidoo kale horumarka iyo nabada Soomaaliya horey uga soo qayb qaatay, muddo dheerna kus oo jiray dowlad dhisidda Soomaaliya.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

‘’Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan uga xumahay geerida marxuumka. Waxaa uu ahaa shakhsi wax badan dalkiisa u soo qabtey. Waxaa lagu xusuusan doonaa doorkii weynaa ee uu ka qaatey mashaariicdii horumarinta ee dowladdii hore ee milatariga ay ka fulisey Soomaaliya. Ilaahay waxan uga baryayaa naxariistii janno inuu ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelkii u ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo’’ ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Marxuum Cabdulqaadir Xaaji Maxamed ayaa shaley ku geeriyooday magaalada London ee dalka Britain.

Marxuumka ayaa dowladdii milatariga ka soo qabtey xilal kala duwan, isagoo ahaa Kaaliyihii Xoghayaha Guud ee Xisbigii Hantiwadaagga, guddoomiye hoggaannada xisbiga iyo xubin ka tirsan golaha wasiirrada.

 

Previous Post

Maareeye: “Soomaalidu waa inay is-garab istaagaan wallaalahooda Soomaaliyeed.”

Next Post

Tartamaasha degmada Yaaqshiid oo caawa u soo gudbay wareega labaad ee tartanka “Dhageyso”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Boondheere oo u soo gudbay wareegga labaad ee Tartan Cilmiyeedka “Dhageyso”

Tartamaasha degmada Yaaqshiid oo caawa u soo gudbay wareega labaad ee tartanka "Dhageyso"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In