Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Kenya oo ku dhawaaqday in ay ka qaaday bandowgii saarnaa qaar kamid ah magaalooyinka Waqoyi Bari Kenya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dowladda Kenya oo ku dhawaaqday in ay ka qaaday bandowgii saarnaa qaar kamid ah magaalooyinka Waqoyi Bari Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalooyinka Mandhere, Wajir, Lamu, Garissa iyo deegaano ka mid ah Tana River ayaa laga qaaday bandowgan iyadoo dowlada Kenya ay ku tilmaantay ka qaadista inay u yeeshay sababo la xiriira bisha Ramadan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in la qaaday bandowgan kadib markii uu dhawaan madaxweyne Kenyatta uu ka codsaday wasaarada arrimaha gudaha in ay dib u eegis ku sameyso bandowga bisha Ramadan.

Related posts

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026

Dowlada Kenya ayaa kala kulantay cadaadis xoog leh shacabka, ganacsatada, hogaamiyaasha diinta iyo siyaasiyiinba bandowga ay ku soo rogtay qaar kamid ah gobolada Waqoyi Bari. Qaadista bandowgan ayaa ku soo beegmaysa maalmo kaddib markii madaxweynaha Kenya uu ku dhowaaqay in laga qaaday xayiraada shirkadaha xawaaladaha Soomalida ee ka howgala dalka Kenya.

Bandowgan ayaa lagu soo rogay qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Waqoyi Bari Kenya kaddib markii xubno ka mid ah ururka UGUS ay gudaha u galeen Jaamacad ku taal Garisa halkaa oo ay ku dileen in ku dhow 150 ruux oo ka mid ahaa ardaydii iyo shaqaalihii Jaamacadaas.

Xigasho:DailyNation

Previous Post

Xuska Maalinta Xornimada Jabuuti oo Baladweyne laga xusay

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta kormeer shaqo ku...

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA DHEXE):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku hawlanaa, fulinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In