Friday, June 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha degmada Hodan oo u soo gudbay wareega xiga ee tartan cilmiyeedka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 27, 2015
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Tartamayaasha Degmada Boondheere oo u soo gudbay wareegga labaad ee Tartan Cilmiyeedka “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Jowhar Vs Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe  iyo Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Jowhar  iyo Hodan,  iyo sidoo kale waxyaabaha ay caanka ku yihiin oo ay ku cabireen hab suugeed.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Jowhar iyo Hodan waxey noqotay sidan:-

Jowhar

Tartamayaasha Degmada Jowhar sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo waxa ay iska qaldeen Afar su’aal,  ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Jowhar ay heleen noqoneysaa 6 dhibcood (Lix dhibcood).

Hodan

Tartamayaasha Degmada Hodan waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Shan su’aal,  halka ay iska qaldeen labo su’aal,  Waxa ay ka faa’iideysi u heleen hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Jowhar, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Hodan ka dhigeysaa inay heleen 12 dhibcood (Labo iyo Toban dhibcood).

Tartamayaasha degmada Hodan oo su’aal la weydiiyay intii lagu gudaha jiray qeybtii hore ee tartanka ayaa markii la gaaray waqtigii jawaabta khadka teleefonka ka go’ay, balse markale waxa ay fursad u heleen in su’aasha ka jawaabaan, hayeeshee way ka faa’iideysan waayeen, waxana loo gudbiyay dhanka tartamayaasha degmada Jowhar, inkasta oo Jowhar ay markeeda khadka ka baxday, waxaana jawaabta ku dhawaaqay guddiga tartanka oo digniin u jeediyay tartamayaasha labada degmo.

Hadaba kulankii 10aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Hodan ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 11aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Dharkeeynleey iyo Heliwaa oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

 

Previous Post

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo sheegay in wada hadal ay la geli doonaan Ahlu-sunna “Dhageyso”

Next Post

DAAWO SAWIRRADA:- Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug

Next Post
DAAWO SAWIRRADA:- Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug

DAAWO SAWIRRADA:- Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In