Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maareeye: “Dabaaldegga maalinta Xoriyadda Soomaaliya waa Xasuus taariikhi ah.”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA XUSKA 1-DA LUULYO OO SI WEYN LOOGA XUSAY MUQDISHO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

01 July 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) oo ka hadlayey munaasabada dabaaldega Maalinta Xoriyadda Soomaaliya oo bulshada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan ay ugu dabaldagayaan. Maanta oo ah 1da July 2015 waa maalintii koofurta Soomaaliya ay xoriyadda ka qaadatay Gumeystihii Talyaaniga, isla markaasna ay koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya ay midoobeen oo ah markii ugu horreysey oo Jamhuuriyadda Soomaaliya heshay aqoonsiga buuxa. Wasiir Maareeye ayaa yiri “Dabaaldegga maalinta Xoriyadda Soomaaliya waa Xasuus taariikhi ah.”

Wasiir Maareeye “ Waa inaan si weyn u dabaaldegnaa oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay weyneeyaan xasuusta iyo dabaaldegga maalintii ummada Soomaaliyeed ay heleen xorriyad, madax-bannaani iyo aqoonsi caalami ah. Dowladda Federaalka ayaa sanadkan si heer sare ah u xustay toddobaadka xorriyadda, sida 26kii June markii Waqooyiga xoriyad helay, 27kii June markii wallaalaheen Jabuuti ay xorriyadda heleen iyo maanta oo ah 1dii Luulyo oo ah maalintii koofurta ay xoriyadda heshay isla markaasna ay Waqooyi iyo Koofur ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026
Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026

Wasiir Maareeye ayaa yiri taariikhdu waa lama huraan oo ummad walba waa inay taariikhdeeda xasuusataa oo bulshada jiilka cusub looga sheekeeyaa taariikhdii fiicneyd ee awoowayaasheen ay naftooda iyo maalkooda u hureen si Soomaaliya ay u noqoto Dowlad madaxbannaan. Waxey aheyd 55 sano ka hor markii Soomaalidu ay ka sineyd midnimo, wadajir, waxwadaqabsi iyo aaminaada jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Waa inaan xusnaa dhammaan inta naftooda u hurtay si aan u helno madax-bannaani iyo xornimo. Sidoo kale waa inaan taariikhda wax ka baranaa oo aan soo celinaa midnimadii ummadda Soomaaliyeed, wadajirkeeda iyo waxwada qabsigeeda.

Taariikhda Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo Koofur ee u istaagay sidii Soomaaliya ay xor u noqon laheyd waxey naga mudan yihiin inaan xusno, aqoonsano doorkooda, isla markaasna dhalinyarada jiilka maanta jira aan uga sheekeyno si ay ugu noqoto waayo aragnimo keenta inay doorkaas oo kale ay qaataan. 55 sano ka dib maanta Dowladda Federaalka waxey dalka ka xoreyneysaa nabad diid doonaya inuu ummadda Soomaaliyeed ka hor istaago nabad, horumar iyo waxqabsi. Waa dagaal kale oo isagana nooga baahan in bulshada aan ka wacyigelino, isla markaasna aan dhalinyarada la qalday aan u fidino gacan nabadeed si ay dib u heshiisiinta uga qeybqaataan. Caalamku horumar buu sameeyey, Soomaaliya oo ka mid aheyd waddamada Afrika ugu horreeyana maanta waxaa dib noo dhigay khilaaf, dagaal, is-aamin daro iyo dagaalka kooxaha nabad-diidka ah.

Wasiir Maareeye ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey oo yiri “Soomaaliya Soomaali baa iska leh, mana dhici karto in ummad kale ay xal noo hesho. Waa inaan isku tashanaa, gacmaha is-qabsanaa, is-aaminaa, isku-kalsoonaa oo aan ogaanaa midnimadeena inay noo horseedi karto nolol, nabad, amni, kala danbeyn, wax-wadaqabsi iyo horumar. Soomaaliya ha noolaato.”

DHAMAAD

Previous Post

Qaramada Midoobay oo shacabka ugu hambalyeeysay xuska 55 guurada xornimada

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda...

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad sagootin ah loogu sameeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, oo tababar...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire...

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sarreeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, iyo Agaasimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In