Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo afur iyo casho sharaf u sameeyay goleyaasha safiiro, biladana guddoonsiiya Wasiirka warfaafinta iyo Taliyaasha Ciidamda, “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 2, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha oo afur iyo casho sharaf u sameeyay goleyaasha safiiro, biladana guddoonsiiya Wasiirka warfaafinta iyo Taliyaasha Ciidamda, “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, July 1, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xaflad afur iyo sharaf ah oo lagu maamuusayo munaasabadda 1-da Luulyo ugu sameeyay xarunta madaxtooyada xubnaha labada gole, taliyeyaasha ciidammada, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa mar kale hambalyo ku aaddan xuska 55 guurada xornimada iyo midowga Soomaaliya u direy shacabka, isagoo kula dardaarmey inay la yimaadaan midnimo iyo is-jaceyl dhexdooda.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025

Intii ay xafladda socotey ayaa Madaxweynaha waxaa uu shahaaddooyin sharaf guddoonsiiyey guddiyadii kala duwanaa ee ka qeyb qaatey isku dubbaridka munaasabadaha toddobaadka xorriyadda Soomaaliya oo soo bilowdey 26-kii June.

Waxaa xubnaha shahaadooyinka la guddoonsiiyey ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir oo isla markaana ahaa guddoomiyaha guddiga qabanqaabada, Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka, S/Gaas Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Booliska, S/Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamid, Taliyaha Ciidanka Asluubta, S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Munaasabadan waxaa kale oo ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Caydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (32) unnamed

Previous Post

Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin...

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 25, 2025
0

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada Qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In