Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay, laguna maamuusayay 1-da Luulyo iyo israacii Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ayaa lagu qabtay Magaalada Pretoria ee Dalka Koonfur Afrika.

Xafladan oo ay qabanqaabiyeen Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee magalaadaasi ayaa waxaa ka soo qeybalay xubno ka socday Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, Ganacsato, dhallinyarro iyo haween oo qaarkood ku asqeysanaa dharka Calanka Soomaaliya, waxaana Xafladaasi qudbado ka jeediyay qaar ka mid ah kasoo qeybgalayaasha ayaa ka sheekeyay habeenkii weynaa ee israaca labada Gobol.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Abuukar Cabdi Guddoomiyihii hore Jaaliyadda Soomaaliyeed SASA ee Gobolka Kwazulu Natal oo ka hadlay madasha Xaflada ayaa yiri. “Waa Xafladdii Xoriyadda Soomaaliya 1-da July ee waa lagu qasbanyahay inuu kasoo qeybgalo, Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa inuu qof walba ka qeybqaato”

Cabdullahi Xuseen Jirdi oo isna ka hadlay ayaa hambalyo u diray Madaxda Qaranka iyo guud ahaa Ummadda Soomaaliyeed waxaana uu yir, “Waxaan hambalyo halkaan ugu direynaa Madaxdeenka Qaranka Soomaaliyeed, qaas ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, Gudoomiyaha Barlamaannka Mudane Jawaari iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid waxaan leeyahay Calanka Soomaaliya dad baa u soo dhintay dad baa halkaan soo gaarsiiyay, idinkane ballan baad qaadeen iyo mideyntii dhallinyarada aad kaga saareysiin Shabaabka oo aad waxbarashada ku hogaaminaysiin inaad u istaagtiin”

Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Bashiir Maxamed Goobe oo ka mid ahaa qabanqabaayasha oo isna qudbad ka jeediyay ayaa u mahadceliyay dadkii kasoo qeybgalay oo ay Safaaraddu ugu horeyso isagoo dhinac kala la dardaarmay dhallinyarada.

“Waxaa fiican in la fikiro meesha aan joogno ma ahan gurigeena Wadankeena sidaan ugu laaban laheen oo aan u dhisan laheen,kana an joogno aan ugu midoobi laheen inaan ka shaqeynayo waaye”

Ugu dambeyntii waxaa soo gabagabayeey Xafladan lagu maamusayay 1-da Luulyo ayaa waxa uu ka hadlay taariikh ku saabsan ahmiyadda ay leedahay habeenkan qiimaha badan.

“Safaaradda Soomaaliyeed gadaal ayay ka riixaysa Barnamaijkaan laakiin dhalinyarada Soomaaliyeed baa samaysatay Barnaamijkaan,waa inaan maalmahan xususidda mudan aan u dabaaldagnaa”

Intii ay Xafladda socotay ayaa waxaa sidoo kale dhallinyarada soo bandhigeen Riwaayad aad u soo jiidatay kasoo qeybgayaalasha waxa ay Xafladda kausoo gabagabowday jawwi aad u wanaagsan.

 

                C/qaadir Axad Warbaahinta Qaranka,Pretoria


 

Previous Post

Bisha Cas Imaaraadka oo deeq afurin ah gaarsiisay Qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha oo afur iyo casho sharaf u sameeyay goleyaasha safiiro, biladana guddoonsiiya Wasiirka warfaafinta iyo Taliyaasha Ciidamda, “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha oo afur iyo casho sharaf u sameeyay goleyaasha safiiro, biladana guddoonsiiya Wasiirka warfaafinta iyo Taliyaasha Ciidamda, “SAWIRRO”

Madaxweynaha oo afur iyo casho sharaf u sameeyay goleyaasha safiiro, biladana guddoonsiiya Wasiirka warfaafinta iyo Taliyaasha Ciidamda, "SAWIRRO"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In