Friday, October 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda Hormuud oo deeq lacageed gaarsiisay qaxooti Yeman u dhashay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Hey’adda Hormuud oo deeq lacageed gaarsiisay qaxooti Yeman u dhashay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afar Boqol iyo Konton qof oo ah qoxooti Yemaniyiin ah oo ka soo cararay dagaalka dalkooda ka socda isla markaana ku nool caasimada Muqdisho ayaa maanta hey’ada samafalka ee Hormuud foundation waxay u qeybisay lacag, taasi oo qofkiiba la siinayay $100.

Munaasabada lacagaha lagu gudoonsiinayay qoxootiga Yemaniyiinta ah ayaa waxaa ka qeybgalay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiinta hey’adda iyo dadkii lacagaha loogu deeqay.

Related posts

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025

Gudoomiye ku xigeenka hey’adda Hormuud Sheekh Cumar Salaad ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in Lacagta ay ugu talagaleen dadka Yemaniyiinta ah ay uga gudbaan bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Barnaamijkan quruxda badan ee maanta aan qabanay hadaa nahay Hormuud Telecom Foundation oo aan u qabanay dadka ka soo barakacay dalka Yemen ee hada ku sugan Muqdisho ,oo cadadkoodu yahay dadka aan maanta wax siinay 450 -500,qofkiiba waxaan siinay $100 oo aan ugu talagalnay inay uga gudbaan Ramadaanka inta ka harsan afur ka dhigtaan,ciida iyo arimhiisa uu qof kasta ku dhameystirto waxaa kaloo Jaaliyada Yemen aan u balanqaadnay inaa siineyno  450 kartoon oo Timir ah ,halkii kartoona ay ku jirto 8-kiilo”,ayuu yiri Cumar.

Qaar kamid ah dadkii Yemen u dhashay ee maanta hey’ada samafalka ee Hormuud  ay Lacagta siisay ayaa warbaahinta qaranka uga waramay sida ay u arkaan lacagta la siiyay, isagoo u mahadceliyay hey’adda hormuud.

Ugu dambeyn Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullah oo ka hadlay munaasabada lacagaha lagu siinayay dad Yemaniyiin ah oo ku nool Muqdisho ayaa u mahadceliyay hey’ada samafalka Hormuud, wuxuuna ugu baaqay hey’adaha kale in si lamid ah Hormuud ay ugu soo gurmadaan dadkan dhibaateysan.

 “Runtii taakuleyntan waa taakuleyn aad u balaaran oo nuuceeda oo kale wali aysna helin,dadka maanta halkan leysugu keenay oo cadadkoodu gaarayo dad ku dhow 500,oo ay ugu talagaleen misaaniyad ah $50,000 oo dadka halkan fadhiya min $100 loo siinayo ,waa fursadii ugu horeysay ay helaan waxaan dareemayaa inay aad ugu faraxsan yihiin oo waxay ku soo beegantay waqti ay aad ugu baahnaayeen oo ay soo dhowdahay Ciida”, ayuu sheegay xildhibaanku.

Previous Post

Dibad bax lagu taageerayay hogaanka cusub ee Galmudug oo Gaalkacyo la dhacay

Next Post

Wasiirka arimaha gudaha oo Ahlu suna ugu baaqay ka qeybgalka maamulka cusub

Next Post
Wasiirka arimaha gudaha oo Ahlu suna ugu baaqay ka qeybgalka maamulka cusub

Wasiirka arimaha gudaha oo Ahlu suna ugu baaqay ka qeybgalka maamulka cusub

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
0

Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii illaa hadda sii wada Tababarada iyo dhoolatusyada ciidan...

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025
0

Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshaha wajiga koowaad ee xabad joojinta Gaza,kaas oo dhigaya in qeybo kamid ah gaza ay Israel...

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

October 10, 2025
0

Qaar kamid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya Cadaaladda dalka ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray soo bandhigga adeeg dhanka computerka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In