Wasiirada Amniga gudaha iyo Gaaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya oo ay wehliyaan Taliyeyaasha ciidamada Nabad sugidda Qaranka iyo Booliska ayaa kormeeray Hotelka Siyaad ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah meelaha ay caawa weerarka ku soo qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Wasiirka amiga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ugu horeyn la hadlay Warbaahinta waxa uu ciidamada geesiyaasha ah ugu dambalyeeyay guusha ay caawa ka gaareen dhagar qabaayashii weerarka ku soo qaaday Hoteelada Siyaad iyo Wehliye, halkaasi oo gebi ahaanba lagu qaarajiyay kooxihii weerarka soo qaaday.
Wasiirka Amniga waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay isdajiyaan oo ay xoojiyaan la shaqeynta hayโadaha amniga, si looga hortago falalka ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.
Wasiirka Difaaca ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo isna la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ku bogaadiyay howlgallka ay ciidamada amniga ku soo afjareen weerarkii caawa ay dhagar qabayaal ka tirsan Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS ku soo qaadeen Hotellada Siyaad iyo Wehliye ee Muqdisho, halkaasi oo gebi ahaanba lagu qaarajiyay kooxihii weerarka soo qaaday.
Tifaftiraha Radio Muqdisho Ismaaciil Mukhtaar ayaa ku soo waramay in Wasiirada iyo taliyeyaasha la socday ay ku soo wareegeen Labada Hotel ee Wehliye iyo Siyaad.
Halkan ka dhageyso codadka labada Mas’uul
Wasiirka Amniga gudaha
Wasiirka Gaashaandhigga