Deeq isugu jirta dhar iyo lacag oo maanta loo qeybiyay gabdhaha agoonta ah ee ku jirata xarunta xannaanada agoonta Boondheere.
Deeqdan gargaarka ah ayaa waxaa agoontaasi u qeybiyay maamulka iyo ardayda jaamacadda Banaadir oo ay wehliyeen shaqsiyaad muxsiniin ah oo ku kala sugan waddamada Ingiriiska iyo Mareykanka.
Maamulaha xarunta xannaanada agoonta gabdhaha Boondheere marwo Nuurwo Maxamed Caddoow ayaa soo dhaweysay deeqdan gargaarka ah ee maanta la gaarsiiyay gabdhaha agoonta ah ee ku jira xaruntaasi.
Deeqdan gargaarka ah ee isugu jirtay lacag iyo dhar ayaa loo qeybiyay 140 gabdhood oo agoon ah kuna jira xarunta xanaanada gabdhaha agoonta ee Boondheere.
C/llaahi Muuse Axmed oo ka mid ah ardayda jaamacadda Banaadir ayaa sheegay in deeqdan ay iska soo uruuriyeen maamulka iyo ardayda Jaamacadda, Banaadir iyo shaqsiyaad muxsiniin ah oo ku kala sugan waddamada Ingiriiska iyo Mareykanka.
Howshan gargaarka ah uu sheegay iney abaabulkeeda lahaayeen qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Banaadir oo kala ah, C/laahi Muuse Axmed, Amiin Nuur Macalin, C/raxmaan Cumar Caynte, C/weli Aaxmed Siyaad, C/raxmaan Saacid, Sakariye Xasam Nuur iyo Maka Xaaji.