Thursday, July 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo kulan la qaatay Madaxda Galmudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 13, 2015
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo kulan la qaatay Madaxda Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garowe, July 13, 2015…..Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa galabta tagey magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, isagoo uga sii gudbay magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, waxana mudadii koobnayd ee uu jooga Cadaado la kulmay hoggaanka Maamulka KMG ah ee Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Cadaado kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guulleed iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, wuxuna ugu hambalyeeyey doorashadooda, isagoo kula dar-daarmay in ay sii wadaan dib u heshiisiinta iyo raadinta nabadda si loo gaaro xasilooni Siyaasadeed oo deegaanka ka hana qaado.

Related posts

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

July 30, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

July 30, 2025

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed oo saxaafadda kula hadlay Madaxtooyada Cadaado, ayaa sheegay in ujeedka Cadaado usoo gaaray R/Wasaare Cumar ay tahay sidii ay u kala warqaadan lahaayeen dowladda dhexe iyo Maamulka Galmudug.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Cadaado ee lagu doortay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Waxaan sii wadi doonaa dhiiri gelinta iyo taageerada Maamulka KMG ah ee Galmudug. Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qeyb ka qaadatodhamaystirka maamulkan oo ah mid bilow u ah horumar waara oo laga gaaro dhibaatooyinkii deegaanka ka jiray” ayuu yiri R/wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga sii gudbay Cadaado, Magaalada Garowe ee xarunta Puntland halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono hoggaanka Maamulka Puntland iyo qaybaha bulshada.

—DHAMMAAD—

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) DSC08625 DSC08626 DSC08627 DSC08628 DSC08629  DSC08634

Maxamuud Cabdi Diirshe

Previous Post

Wasaaradda caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejisay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe-Sawirro

Next Post

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Xaaji Shukri

Next Post
Marxuum Muuse Nuur Amiin oo ku geeriyooday Muqdisho

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Xaaji Shukri

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

July 30, 2025
0

Shirweynihii maalmahaan ka socday magaalada Laascaanood ayaa caawa lagu ansixiyey in magaca maamulka cusub ee gobollada Sool iyo Sanaag laga...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

July 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Jabuuti, ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

July 30, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

July 30, 2025
0

Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In