Wednesday, June 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo Maxkamadda Cadaaladda u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Dowladda Soomaaliya oo Maxkamadda Cadaaladda u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

The Hague, July 13, 2015 – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , waxaa ay maanta Maxkamadda Caddaaladda ee fadhigeedu yahay Hague, dalka Netherlands, u gudbisay dacwad ka dhan ah Jamhuriyadda Kenya kuna saabsan soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya waxay Maxkamadda weydiisatay in ay cayinto soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee Badweynta India oo ay ku jiraan biyaha dalka, aagga dhaqaale ee gaarka ah, geyi-qaaradeedka iyo geyi-qaaradeed wixii ka baxsan 200 oo nautical mayl.

Related posts

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026

Dacwadda waxaa gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir, oo ay wahliyaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Dr. Cali Saciid Faqi, Qareenka Soomaaliya u qaabbilsan dacwaddan, Muna Sharmaan, Qareenno iyo khubaro kale. Waxaa dacwadda guddoomay Diiwaanhayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, Philippe Couvreur.

Soomaaliya waxay rumeysan tahay in kiiskeedu uu ku qotomo sharciyad culus, waxayna Maxkamadda ka sugeysaa go’aan caddaalad ah.

Previous Post

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Xaaji Shukri

Next Post

Ra’iisul Cumar Cabdirashiid oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Cumar Cabdirashiid oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Ra’iisul Cumar Cabdirashiid oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In